Sarkaalkii ugu sarreeyey saldhiga Boosaaso oo la dilay, iyo kuwa kale oo ladhaawacay.

Halkaan ka akhri

Qarax miino ah ayaa lagu khaarjiyey saraakiil ka tirsan Boliiska Puntland, Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa taliyihii saldhiga Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland, qaraxaas oo gabal-dhacii maanta ka dhacay gudaha magaalada.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in galabta qarax miino lagula beegsaday xaafada New Boosaaso gaari ciidan oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Booliska Puntland.

Sida la sheegay waxaa qaraxan ku geeriyooday 4 askari oo uu ku jiro taliyihii saldhiga Boosaaso ee Puntland Xuseen Cali Dheere iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Qaar ka mid ah dadkii ka agdhawaa  ayaa sheegay inay arkayeen xiliga uu qaraxu haleelayay gaariga ay saarnaayeen saraakiisha ciidamada Puntland iyo rasaas ay fureen ciidamo ka daatay gaariga qaraxa lala eegtay.

Sidoo kale waxaa goobta qaraxu uu ka dhacay soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa boliiska Maamul goboleedka Puntland, waxaana Meydka taliyihii ciidamada Booliska ee Magaalada Boosaaso la geeyay saldhiga Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamada ay goobta qaraxa uu ka dhacay ka sameeyeen howlgalo dad u badan dhalinyaro lagu soo qab qabtay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay dhalinyaradaas ku jiraan kuwii ku lug lahaa qaraxii galabta ka dhacay Boosaaso.

Hase yeeshee Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Bari ayaa qaraxa kadib ugu baaqay ciidamada Puntland in aysan bartilmaameedsan dadka ka cararay koofurta Soomaaliya ee ku sugan Boosaaso.

Waxaa caawa kacsan Xaaladda Magaalada Boosaaso, waxaana xaafadaha qaar lagu arkayaa ciidamo hubaysan oo halkaasi ka wada howlgalo baaritaano ah oo ay ku daba galayaan kooxihii kale ee ku lugta lahaa qaraxa.

Si kasta ha ahaatee Xalay ayay aheeyd Markii kooxo hubaysan oo dhalinyaro ah gudaha magaalada Boosaaso ay ku dhaawaceen sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland inkastoo markii dambe ciidamada Puntland ay ka jawaabeen arinkaasi.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: