Micheline Calmy-Rey oo loo doortay in ay noqoto Madaxweynaha Kaltanka Konfederaalka Swiss-ka.

Halkaan ka akhri

Golaha Sare ee Federaalka dalka Switzerland

BERNA – Micheline Calmy-Rey ayaa loo doortay inay noqoto Madaxweynaha kaltanka Konfederaalka, waxayna Xilka kala wareegi doontaa Bisha Jannaayo ee Sanadka Cusub haweyneyda haatan  ka ah Madaxweynaha Switzerland  Doris Leuthard.

Micheline Calmy-Rey oo  65 Sano Jir ah kana tirsan Xisbiga Socialistaha ayaa maanta  ayaa cod aad u hooseeya ka heshay Golaha Barlamaanka dalkan Switzerland, waxayna heshay  Cod dhan 106 halka Xildhibaanada soo xaadartay ay ahaayeen 189 Xildhibaan.

Sidoo kale  waxaa ku-xigeenka Madaxweynaha loo doortay Heweenay kale ee la yiraahda  Eveline Widmer-Schlumpf oo iyadana heshay  146 Cod waxaana Codbixinta joogay 222 Xildhibaan, ma xuma Codka ay heshay balse waxay u sharraxaneyd kaalinta madaxweyne Ku-xigeennimada.

Sida la sheegay in Madaxweynaha Cusub ay horyaalaan shaqooyin aad u culus oo laga doonayo in ay la timaado Siyaasad furfuran oo lagu furdaamiyo  arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulshadaba.

SomaliSwiss  Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: