Guddigii xallinta Colaada Beelaha ku dagaalamay deegaano hoosyimaada magaalada Gaalkacyo oo gaaray magaaladaas.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Guddi isugu jira Wasiiro Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ee uu shalay magacaabay Ra’iisul wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo inuu maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug si ay u xaliyaan colaadaha u dhaxeeya laba beelood, walaalo ah oo dhawaan halkaasi ku dagaalamay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in guddigan uu Ra’iisulwasaaruhu u   xilsaaray in ay kala dhexgalaan Maleeshiyaad dhawaan ku dagaalamay deegaano hoosyimaada magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, waxaana  hogaaminayay Wasiirka qorsheynta xiriirka caalimaga ah ee dowladda C/wali Max’ed Cali iyo Wasiirka arimaha gudaha amniga ee dowladda Cabi Shakuur Sheekh Xasan iyo 6-Xildhibaan oo ka tirsan barlamanka KMG.

Guddiga ayaa waxaa garoonka magaaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxaana la dejiyey Hotel ku yaala magaalada Goolkacayo, halkasayaa waxay si wadajir ah uga qabteen shir jaraa’id, waxayna ka hadleen u jeedada ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

C/shakuur Sheikh Xasan oo Wasiirka arimaha gudaha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa bahda saxaafadda siiyay warkooban, wuxuuna sheegay in wafdigani uu yahay wafdi maalintii shalay uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda si ay u dhexgalaan labdo beelood oo dhawaan halkaasi ku dagaalamay.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Koorneel Max’ed Axmed Caalim, isagoo sheegay in Maamulka Galmudug ay ka go’antahay in uu qaato nabad waliba ay ku dhawaaqaan gudiga ka socda Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya oo u socda nabadeynta beelaha walaalaha ku dagaalamay deegaanada ka tirsan magaalada Gaalkacyo.

Si kasta ha ahaatee Gudigan ayaa sheegeen in ay  si gooni goni ah ula kulami doonaan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka kala arimiya Woqooyiga iyo Koofurta magaaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug islamarkaana maalmaha fooda nagu soo hayso ay gaari doonaan goobihii dhawaan lagu dagaalamay, wuxuuna gudiga uu sheegay in ay joogi doonaan ilaa labada beelood ay heshiis qaataan Ciidamadoodana ay ka  qaadaan goobaha ay isku horfadhiyaan.

SomaliSwiss    Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: