Dowladda Sweden oo Xukun ku riday laba-qof oo Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Dowladda Wadanka Sweden ayaa Xukun ku riday labo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in weeraro ay ka gaystaan gudaha wadanka Soomaaliya.

Waaxda arimaha dibadda wadanka Sweden ayaa sheegtay in labo qof oo Soomaali oo lagu eedeeyay inay taageerayeen xoogaga ka dagaalama Soomaaliya, islamarkaana ay qorshaynayeen in ay weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya la dhigay xabisi ku yaala wadankaasi.

Sida sheegtay Maxkamad ku taala dalka Sweden in labadan qof oo  lagu kala magacaabo Max’ed Jaamac iyo Bille Ilyes ay si toos ah ugu qeyb qaateen taageerada Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, waxaana ay sheegtay markamadda in ciidamada wadankaasi ay ku xireen xabsi ku yaala magaalada Gothenburg iyo Stockholm bishii May iyo June ee sanadkii tagay.

Sidoo kale warka qoraal ah oo laga soo saaray Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ragaas ay ku xakuntay mid labo sano oo xarig ah, waxaana qareen u hadlay Maxkamaddaasi uu sheegay in ay hayaan cadaymo toos ah oo xaqiijinaya in labadaani qof ay horey u booqdeen Soomaaliya iyagoo taagayraya Xarakada Mujaahidiinata Al Shabaab iyo Ururka Al Qaacidda sidaasi daraadeedna Maxkamadda ay go’aan ku gaartay in xabsiga la dhigo labadaasi ruux.

Horey ayaa sidaan oo kale dowladda wadanka Sweden-ka waxaa ay u Xakuntay dad lagu eedeynayo in xiriir toos ah ay la leeyihiin xoogaga ka dagaalama gudaha wadanka Somaliya.  

SomaliSwiss  Stockholm

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: