Dowladda Jabuuti oo Safaaradeeda dib uga furtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Xaflad balaaran oo lagu qabtay Safaaradii Jabuuti ay horay uga  laheeyd dalka Soomaalya. ay ka soo qayb galeen madax ka tirsan dowladda KMG Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo iyana ka mid ah Jabuuti, Yemen, Suudan ayaa maanta waxaa xariga looga jaray.

Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo abaabulay islamarkaana dib loogu howlgalinayay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka dhacday isla safaaradda Jabuuti.

Munaasabada ayaa waxaa kaoo qeyb galay madax ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibnadda dowladda KMG Max’ed C/laahi Oomaar, Qunsulka Soomaaliya ee Jabuuti, Safiirka dalka Suudaan ee Dalka Soomaaliya, Safiirka dalka Yemen Wasiiro, iyo Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya.

Ugu horeyntii xafladda munaasbadaas ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arimaha dibadda Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed Cabulaahi Oomaar, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya in maanta laga furo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa xafladdaas hadal ka jeediyay safiirka dowladda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, waxaana uu sheegay in dib u howlgalida Safaaradda Jabuuti uu amar ku bixiyay madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle, waxaana uu safiirku sheegay in ay ka shaqayn doonan Marxalad kasta oo ka jirta magaalada Muqdisho, isagoo carabaka ku dhiftay in mar waliba dowladda Jabuuti ay garab taagantahay dowladda KMG Soomaaliya.

Kadib markii ay dhamaatay Xafladda Munaasabaddasa ayaa waxaa safiirka Jabuuti iyo Madax ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay dhismaha safaaradda Jabuuti ka dultaageen Calanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana halkaasi Fanaaniin Soomaaliyeed ah ay ka qaadeen Heeso Wadani ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: