Advertisements

Wikileaks:- Gelitaankii ciidamada Ethiopia ee dalka Somaliya waxaa kadambeyay dowlada Mareykanka.

Halkaan ka akhri

Website-ka Wikileaks oo soo xiganaya warar diblumaasiyadeed ayaa shaaca ka qaaday heshiiskii Qarsoonaa ee dhex maray dowladaha Mareykanka iyo Ethiopia, islamarkaana ciidamada Ethiopia ay ku galeen dalka Soomaaliya.

Warbixin uu dabaacay Boga Wikileaks ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda Ethiopia qorshaheedu uusan aheyn duulaan ay ku qaado dalka Soomaaliya, balse uu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka dambeysay qorshaha Ethiopia ay ugu duushay Soomaaliya.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in ujeedka ugu weyn ee ciidamada Ethiopian-ka ay aheyd in ay bur buriyaan oo ay kala jabiyaan Midowgii Maxkamada Islaamiga oo xiligaasi ahaa awood aad u xoogan oo soo ifbaxday, iyadoo intaasi ku dartay in bishii July ee sanadkii 2006-da ay aheyd xiliga Ethiopia ay gashay Soomaaliya, taasi oo dowladda Ethiopia ay mar mar siiyo uga dhiganeysay in ciidamadeeda ay gacan weyn siinayeen dowladii TFG-da.

Madaxii hore arimaha qaarada Afrika ee dowladda Mareykanka Jandaaya Fareysar ayaa kaalin muhiim ah waxaa ay ka cayaartay dagaalkaasi, iyadoo u qaabilsaneyd isku xirka xiriirka dhinaca dagaalka ee Waaxda gaashaandhiga dalka Mareykanka iyo Ethiopia.

Warbixinta ayaa waxaa ay sheegtay xiligaasi in Aqalka Cad iyo Gaaashaandhiga Mareykanka ay si aad ah ugu wal walsanaayeen in Islaamiyiinta cusub ee ka dagaalanta Soomaaliya xiriir toos ah la yeeshaan ururka Al-qaacida, isla markaana ay isku badalaan al-qaacida caalami ah.

Illaa 20 kun oo qof ayaa lagu dilay in ka badan 2 Milyana guryo la’aan ayay ku noqdeen duulaanka Ethiopia ay ku qaaday Soomaaliya ee ay ku taageereysay dowladda Mareykanka, sida lagu qoray warbixinta Website-ka Wikileaks.

Warbixinta diblumaasiyadeed ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in Ra’isal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi uu sheegay in dalkiisa hormar la’aanta heysatay aysan sabab u aheyn fahanka dimuquraadiyada, isagoo sheegay in arimo kale ay hareeyeen Maamulkiisa, taasi oo loo sababeyn karo waji gabaxii uu kala kulmay Soomaaliya.

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada wadanka Mareykanka ee xiligan u qaabilsan Qaarada Afrika Carson ayaa sidoo kale waxaa cadaadis lagu saaray in uu si deg deg ah wax uga qabto dhinaca isgaarsiinta iyo warshadaha wadanka Ethiopia, si Mareykanku uu u caawiyo ciidamada Ethiopia, si ay markale ugu duulaan Soomaaliya, hase ahaatee Ra’isal wasaarah Ethiopia ayaan sameyn wax balan qaad ah oo ku aadan arimaha dhinaca ciidamadiisa, isagoo in badan sheegay in uu ku hami weynaa in Mareykanka uu kala hadlo aragtidiisa ku aadan dhinaca ciidamada Ethiopia xiligii ay galeen Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ayaa warbixinta Wikileaks waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ku fashilantay qorshihii iyada iyo Ethiopia ay ku weerereen Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in Mareykanku uu niyad jab ka qaado dowladda Ethiopia xiriirkooduna uu xumaado.

Maadaama ay ciidamadii Ethiopia isaga baxeen iyagoon fulin waxyaabihii Mareykanka uu ugu adeegsaday dalka Soomaaliya marka laga reebo bur burintii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, oo kadibna isu badashay quwad ka mintidsan kana awood badan oo ku xiran Al-qaacida, taasina ay tahay Islaamiyiinta hada dalka Soomaaliya intiisa badan haysata ee lamagac baxday Al-Shabaab.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: