Advertisements

Safiirka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya oo sheegay in la sii daayey qaar ka tirsan dadkii la xir-xiray.

Halkaan ka akhri

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in Safaaraddu ay ku guuleysatay sii deynta dad badan oo Soomaali ah kuwaas oo habeenadii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska ee dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Max’ed Cali Ameeriko oo wareysi siiyay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay inay ku guuleysteen sii deynta 150 qof oo Soomaali ah oo dhawaan ay xireen ciidamada booliska Kenya kadib howlgalo ay ka sameeyeen Xaafada Islii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hase yeeshee waxaa jiray in dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ay ciidamada Boliiska dalka Kenya ay howlgalo ka sameeyeen Magaalada Nairobi, waxayna ku qab qabteen boqolaalqof oo Soomaali u badan ee aan heysan sharciga lagu joogo dalka Kenya.

Max’ed Cali Ameeriko wuxuu  sheegay in dowladda Kenya ay u gudbiyeen warqado ay ugu doodayaan xaquuqda dadka Soomaalida ah, isagoo ugu baaqay dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi inay qaataan sharciga lagu joogo Kenya.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: