Advertisements

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida oo sheegay in xiligan kadib aanay cadaaladdu musuqmaasuq ku shaqeyn doonin.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Md Xasan Xuseen (Muun-gaab) ayaa digniin adag u diray dhamaan saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada Qaranka, isagoo uga digay in ciidamada qalabka sida ee dawlada uu saaranyahay waajib culus, loogana baahanyahay in hubka ay heystaan  ku difacaan dalka, dadka iyo Diinta oo aysan kula soo jeesan shacabka.
 
“Taliyihii aagga Soo baneeya isagoon loo awood sheegan ama la amrin ee cadowga u gacan geliya xukunkiisa waa dil toogasho ah, waayo qayaano Qaran ayuu galay, sidoo kale askarigii qoriga lagu aaminay shacabka kula soo jeesta ama qalqal ku geliya sidoo kale isna waa toogasho sida ku cad xeerka 31 iyo 95 ee xeerka ciidamada qalabka sida iyo kan 505 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha oo hoosta ka xariiqay in ay dhamaatay xiligii bac-madowda ee odayaasha ku qaraabanayeen waa heshiinay iyo waa cafinay.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale si aan leexleexad laheyn u sheegay in kooxaha ka horjeeda dawlada ee la qabto in loo kala qaadi doono laba qeyb kii furinta dagaalka lagu qabto waxa uu sheegay in la dili doono kuwa taageera ama tas-hiilaadka u fidiya ay ku cadaato uu muteysan doono ciqaab adag sida xabsi daa’in ama ugu yaraan 30-sano.


“Qorigu waxa uu u baahanyahay in aan xabbadda la raacsiin hadaan furinta la joogin, ama aan amaanka ka furin oo aan keybka farta la gelin kadibna la qaban intaas askarigii sameeya waxa uu mudan doonaa dil toogasho ah, waa iiga fakatay iyo uma qasdin waxaas waa dhamaadeen waa yeera yeera yam Yaxaas ku qaada yam” ayuu yiri gudoomiyaha Maxkamada sare oo wacad ku maray in xiligaan kadib aanay cadaaladdu musuqmaasuq geli doonin.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: