Advertisements

Baarlamanka KMG Soomaaliya iyo dowladda oo si wadajir ah u soo dhaweeyey dib u hanashada dhismaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka KMG  iyo Xukuumada Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo wada dhaweeyey dib u hanashada dhismaha guriga Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka, shidaalka iyo Macdanta dowladda KMG ee Soomaaliya C/risaaq Sheikh iyo qaar ka mid ahXildhibaanada baarlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dib u helida Guriga Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalka Kenya.

Maxkamada sare dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday maalintii shalay ahayd in guriga Safaarada Soomaaliya Kenya loo xukmiyey dowladda KMG ee Soomaaliya, halka Ninkii iibsaday dhismahasi loogu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha quseeya Safaaradaas.

Si kasta ha  ahaatee Dowladda Soomaaliya ayaa heshay muddo sanooyin badan kadib dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waxana socda qaban qaabo dowladda KMG ay ku doonayso inay dib u dayactirid uga sameeyo Safaaradaas oo haatan  ka muuqdo baaba’a fara badan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: