Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Halkaan ka akhri

Waxaa habeenimadii xalay dagaalo  Culus iyo duqeymo ay ka dhaceen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho kaas oo soconayey muddo saacado badan qaatay, wuxuuna ku dhex maray Ciidamada AMISOM iyo xoogaga hubaysan.

Sida la sheegay Weerarka dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Xarakada Alshabaab weerar ku qaadeen dhismaha guriga Shaqaalaha oo ah xarun ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM.

Waxaa Saakay  soo baxay faa-faahin dheeraad ah ee la xiriira dagaaladii iyo duqeymihii ee xalay dhacay, waxaana lagu soo warramay in uu geystay dagaalkaas khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo qof ayaa ku dhimatay Shan kale oo rayid ahna waa ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo xalay degmada Hodon ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda, hase yeeshee  waxaa la sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ku sugnaayeen Xaafado ku yaala degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalku uu bilowday kadib markii dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG ay weerar ku qaadeen ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh gurigii shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi kadib halkaasi ka qarxay dagaal mudo saacado ah socday oo u dhaxeeyay Labadaasi dhinac.

Balse waxaa saakay degan xaafadihii xalay lagu dagaalamay hase yeeshee la sheegay in wali ay is horfadhiyaan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay kuwaasi oo mararka qaar isku ridaya rasaas teel teel ah.

Sidoo kale ilaa haatan lama oga khasaraaha dagaalka iyo duqeymaha ee ka soo gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana wali uu war ka soo bixin saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo xoogaga hubeysan ee weerarka soo qaaday.

Si kasta ha ahaatee dadkii rayid ahaa ee ku dhaawacmay dagaaladii xalay ayaa waxaa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho oo haatan lagu dawaynayo xaaladooda caafimaad, waxaa suuragal ah in khasaaraha intaasi ka badan yahay maadaama xiliga habeen ahaa madaafiicdana ay si aad ah ugu dhacayeen xaafadaha magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: