Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska guud ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa Shabakada SomaliSwiss maanta soo gaaray Nuqul warxasaafadeed ah ee ka soo baxay Xafiiska Taliska guud Ciidanka Qalabka Sida.

Warxasaafadeedkaas waxaa lagu digay in ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay ka fogaadaan waxyaabaha Musuq maasuqa iyo isku xadgudubka ee mararka qaarkood ka dhex dhaca gudaha ciidamada qalabka sida, wuxuuna warxasaafadeedkaas wuxuu u qornaa sidatan:.

Jamhuuriyadda Soomaaliya

Xafiiska Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida

Warsaxaafadeed

Muqdisho, Talaado, 7da December 2010 – Ciidanka Qalabka sida waxey maalmahan wadeen dar-dargelin ku wajahan sidii Ciidanka Qaranka ee Qalabka Sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, si loo soo celiyo amniga, nabadda iyo kala danbeynta.

Sidoo kale waxaa maalmahan socday dadaallo fara badan oo mas’uuliyiinta ciidamada iyo mas’uuliyiinta Qarankaba ay ku dhiirigelinayeen ciidamada Qaranka sidii ay howlahooda iyo waajibaadkooda ugu gudan lahaayeen si waafaqsan waddaninimo, daacad, karti iyo hufnaan.

Waxaa hubaal ah in loo baahanyahay in Ciidanka Qaranka ay heystaan daruufo adag, iyagoo ku ammaanan sida ay naftooda ugu hurayaan dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Waxaa loo baahanyahay in la tayeeyo ciidanka Qaranka loona helo dhammaan xaquuqdooda, oo ay ka mid tahay mushahar joogta ah, raashin joogta ah, dawo iyo dhammaan daryeelkii ay u baahnaayeen, si ay u laba laabaan dadaalkooda soo celinta amniga iyo nabadda.

Waxaa xusid mudan in shacabka soomaaliyeed ay iyaguna maalmahan siinayeen dhiirigelin isdaba joog ah oo ay ka mid yihiin bannaanbaxyo iyo kulamo ay ku ammaanayaan ciidanka Qalabka sida kulana dardaarmeen inay sii kobciyaan dadaalkooda.

Sidoo kale shacabka iyo dhammaan mas’uuliyiinta dowladda waxey ku ammaaneen ciidanka qaranka sida ay u horistaageen in kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo ay u diideen hamigooda ah inay xoog kula wareegaan xukunka. Ciidanka Dowladda ayaa labadii sano ee la soo dhaafay hortaagnaa kooxaha nabad diidka ah.

Haddaba, si ciidanka u guto waajibkiisa qaran waxaa lama huraan ah in ciidanku uu noqdo mid nidaam ku dhisan isla markaana dhowra shareecada Islaamka iyo dhammaan shuruucda dalka u degsan. Sidaas daraadeed, Dowladdu iyadoo ka duuleyso arrinkan ayaa waxaa la aasaasay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, si looga fogaado dhammaan waxii keeni kara anshax xumo.

Shirkii dhowaan saraakiisha Qaranka ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed, ayey saraakiishu ku ballanqaadeen inay laba kacleen ku sameeyaan howlaha sugidda amniga iyo nabadeynta dalka.

Ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida, Abdikarim Farah (Dhagabadan), ayaa yiri “ Si loo hubiyo in ciidanku uu howshiisa u guto si waafaqsan sharciga isla markaana loo xaqdhowro shacabka, waxaa waajib muqadis ah in tallaabo laga qaado ama ciqaab la marsiiya shaqsigii ku xadgudba shuruucda dalka, iyadoo ciqaabtu noqoneyso tan shareecada Islaamka iyo xeerarka u degsan ciidanka Qaranka.

Shaqsiyaadka muteysan karo ciqaabaha waxaa ka mid ah askarigii fuliyo faldanbiyeedyada ay ka mid yihiin, dil, dhac, boob hanti, argagixin shacab, iyo dhammaan fal danbiyeed kasta.

Ciqaabtu waxey noqoneysa mid la siman hadba ciqaabta ama faldanbiyeedka la galo. Sidaas daraadeed, dhammaan ciidamada Qaranka oo aan hubo inay waajibaadkooda qaran u gutaan si waafaqsan sharciga waxaan uga digeynaa inay la yimaadaan faldanbiyeedkasta oo ay ku jirto in la iibsado rasaas, raashinka ciidanka ama dawooyinka ciidanka.

Looma dulqaadan doono falkasta oo keeni kara Musuqmaasuq (Corruption) ciidanka dhexdiisa ah. Shacabka soomaaliyeed waxey naga sugayaan inaan badbaadino hantidooda, maalkooda iyo inaan u soo celino amni iyo kala danbeyn. Si haddaba loo helo kalsoonida shacabka waa in ciidanka uu noqdaa mid shacabku siiyo kalsooni buuxda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: