Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in ay dib u hesho Safaaradii la iibsaday ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Gacant Umadda Soomaaliyeed ayay dib ugu soo noqotay maanta Safaaraddii soomaalida ee dalka Kenya oo muddo muran xoogani ka taagnaa cidda iska leh, ka dib markii nin Hindi ah uu sheegtay in laga iibiyay oo uu ka gatay dadkii masuulka ka ahaa markii ay bur burtay dowladdii kacaanka 1991 wixii ka dambeeyay.

Maxkamad ku taala magaalada Neyroobi ee dalka Kenya ayaa go’aan ka gaartay murankaas oo mudo badan soo taagnaa oo la xiriira safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Maxkamadda ayaa xukuntan in dib loogu soo celiyo safaaraddaas gacanta Soomaalida, iyadoo sharci darro ku tilmaantay in safaarad diblomaasiyaded oo dowladi leedahay uu sheegto shaqsi.

Mudo dheer ayaa waxaa jiray muranka la xiriira safaaradda Soomaaliya oo milkiiyadeeda uu sheeganayay nin ajnabi ah, waxaana socda dadaalo badan oo ugu dambeyn lagu guuleystay.

Dhowr jeer ayaa dib loo dhigay go’aan ka gaarista murankaasi, hasa ahaatee maanta ayaa lagu guuleystay ugu dambeyn.

Munaasabad loogu dabaal dagayo guushan ayaa lagu qabtay xarunta taasoo ay soo qabanqaabiyeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Arrintaan ayaa niyad jab wayn ku noqon doonta dhagar qaba yaal abdan oo ku haminaya inay iibsadaan hanti qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay iyagoo ku fikiraya inaysan jirin ama aysan noolayn dad Soomaaliyeed oo ay u xisaaban yihiin hantida Qaranka soomaaliyeed oo waqti kasta haku qaadatee ka miro dhalinaya sidii dib loogu soo celin lahaa hantida umadda.

SomaliSwiss Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: