Advertisements

Qaar ka mid ah Madaxda Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur oo boobay Baqaarro Ganacsi oo halkaasi ku yaalay.

Halkaan ka akhri

Maamulka xarakada Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa boob u gaystay Baqaarro ganacsi oo uu ka buuxay raashin kala duwan, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah waxgaradka magaaladaas oo xiriir lasoo sameeyay SomaliSwiss.

Taliye ku-xigeenka Al-Shabaab u qaabilsan Ceelbuur oo lagu magacaabo Khaliif Kaariye ayaa dorraad isagoo wata ciidan fara badan xiray qaybo badan oo ka mid ah Baqaarro ganacsi oo Raashinka lagu iibiyo,iyagoo aan sheegin wax sabab ah oo la fahmi karo.

Khaliif Kaariye ayaa shalay keensaday gaadiid xamuul ah isagoo raray dhammaan hantidii tiillay, baqaaradii uu hore u xiray, isagoo dadka Suuqa oo la yaaban ujeedada loo boobayo hantida shacabka u sheegay in baqaaradaan ay la wareegeen raashinkii yiillay oo nuuc kasta lahaa, sababtana wuxuu ku sheegay inay gadaan raashin ay mamnuucday Al-Shabaab oo asalkiisa ay keeneen sida uu sheegay Hay’ado.

SomaliSwiss oo la xiriirtay dad kala duwan oo degaanka ah ayay u xaqiijiyeen in raashinka la boobay ee baqaaradaas yiillay ay ahayeen Bur, Bariis, sokor, Saliid iyo wax yaabo akle oo sida caadiga lagu gado dukaamda iyadoo ganacsi ahaan looga keenay Muqdisho iyo Gaalkacyo oo aysan ku jirin haba yaraatee, wax raashin hay’ado ay bixiyeen ama magacoodu ku qoran yahay.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay inay arrintaasi ahayd boob xoog ku salaysan oo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku bililiqeystaan hantida umadda, si ay ugu quudiyaan askartooda oo la thuhnsan yahay inay soo food saartay dhaqaalo xumo baahsan.

SomaliSwiss Wabxo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: