Advertisements

Hay’adda F.B.I ee Mareykanka oo dalka Kenya ka baadi goobaya Soomaali uga shaqaysa Sirdoon-nimo.

Halkaan ka akhri

Dowaladda Maraykanka ayaa baadi doonaysa, Soomaali uga shaqaysa Jaajuusnimo, gaarahaan Masaajidyo ku yaalla magaalda Nayroobi ee dalka Kenya, sida uu sheegay mid ka mid ah Soomaalidii laga soo daayay Magaalda Kampala ee loo haystay qaraxyadii halkaas ka dhacay.

Wargayska National Post ee Toronto ayuu qadka Telefoonka ugu sheegay Cabdi Caziz Cali oo ah 32 jir heysta dhalashada Canada, kana mid ahaa Soomaalidii lagu xir xiray Campala ee loo haystay qaraxyadii halkaas ka dhacay, in wakiilada FBI-da ay kula hadleen xabsi ku yaalla dalka Uganda, halkaasi oo uu ugu xirnaa tuhunno ku saabsan qaraxyadaas.

Dowladda Uganda ayaa sii deysay Cabi Caziz toddobaadki tagay, hase yeeshee wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyay ayuu ku sheegay in markii dambiga lagu waayay ay FBI-da isku dayday inay shaqaaleysiiso,isla markaana uu fuliyo howl shaqo sirdoon ah oo uu ka qabanayo Kenya.

“Mid ka mid ah wakiilada FBI-da ayaa ii yimid maalin, waxaana uu ii sheegay inuu doonayo inaan la shaqeeyo. Waxaan weydiiyay shaqada uu iga rabo inaan u qabto, waxaana uu ii sheegay inuu doonayo inaan usoo jaajuuso” ayuu yiri Cabdi Caziz.

Waxa uu intaas ku daray “ Waan ka diiday, waxaana u sheegay inaan ahay ganacsade, waxaan ahay Canadian, wax shaqo ahna kuma lihi jaajuusnimo” ayuu yiri Cabdi Casiis oo hadalkiisii ku daray, in sarkaalkaas ugu hanjabay “waad arki doontaa, waxa Uganda kugu sameyso marka”.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

<!–[if gte mso 9]> Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA MicrosoftInternetExplorer4 <![endif]–><!–[if gte mso 9]> <![endif]–> <!–[endif]–> 
Advertisements
%d bloggers like this: