Dacwadii dhismaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo maanta la soo gabagabeynayo.

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Kenya ayaa sheegaya in la filayaa Maxkamada dalka Kenya ay maanta go’aan kama dambeys ah ka gaarto la’aanshiyaha dhulka Safaarada Soomaaliya ee ku yaala dalka Kenya kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay la isku heystay.

Sida uu noogu soo warramay  Wakiilkeennu waxaa maanta la filayaa in Maxkamada dalka Kenya ay qaadayso dacwada dhulka la isku heysto islamarkaasna ay kala xaqiijinayso cidda xaq u yeelanayso dhismada  shulka safaarada Soomaalida ee Magaalada Nairobi.

Sida la sheegay dacwada  la’ahaanshiyaha dhulka safaarada Soomaaliya ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Masuuliyiinta Safaarada Soomaalida ee Kenya iyo ganacsade u dhashay Dalka Hindiya oo sanadkii 1994-tii laga iibiyay dhulka safaarada, waxaana mudooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay muran ku saabsan milkiyadda dhulka Safaarada Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa haatan ku jirta dhismo kiro ah oo kuyaala Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya, waxaana lagu wadaa in dib u dhis ay ku sameyso dhulka Safaaradii hore hadii Maxkamada Kenya maanta ay u ogolaato lahaanshiyaha Dhulkaasi.

Dhanka kale Maxkamada ayaa lagu waday in arintaani ay go’aan ka gaarto bilowgii bishii November ee sanadkaan balse waxaa dib u dhigay qaadiga Maxkamada qaadeysa dacwadda dhulkaasi kaasi oo go’aamiyay in dacwada xukunka dhulkaas la isugu soo laabto maanta oo ah Talaado oo ku beegan 7-da bisha December.

Sidoo kale Masuuliyiin farabadan oo ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay qaadista dacwada dhulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana masuuliyiintaasi ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fashiya Kenya Max’ed Cali Ameeriko.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: