Advertisements

Boliiska dalka Kenya oo mar labaad qabqabatay dhalinyaro Soomaali ah, xabsigana u taxaabeen.

Halkaan ka akhri

Waxaa mar labaad ay Boliiska wadanka Kenya howlgalo baaritaano ah oo ay dad lagu soo qaab qabteen ka sameeyeen meelaha Soomaalida ay u badan yihiin sida xaafadda Islii.

Sida lagu soo warramay howlgalada ay sameeyeen Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay saamayn ku yeeshay adegyadii bulshada ee dadka Soomaalida, waxaana howgalladii xalay ka dhacay Xaafadda Islii lagu soo qab qabtey ku dhawaad 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo lala xiriiranayo in ay ku luglahaayeen qaraxyadii ka dhacay Xaafadda Islii ee dalkaasi.

Dhanka kale Maalintii shalay aheyd ayaa waxaa  boqol qof lasoo taagay Xabsi ku yaala wadanka Kenya, kuwaasi oo lal xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay dalka Kenya hase ahaatee dacwadooda dib loo dhigay.

Baaritaanada ay samaynayaan boliiska wadanka Kenya ayaa waxaa uu saamayn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray xaafadda Islii, waxaana baaritaankaan uu noqonayaa kii 2-aad oo ay ciidamada Kenya xaafadaasi ka sameeyaan.

Sidoo kale Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cismaan Aadan Edsan ayaa waxaa uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo deen lahaa dadka lagu qab qabtay howlgalada labada Habeen ay booliska Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii, isagoo sheegay in dadkaasi ay sharci daro ku xiran yihiin.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: