Taliska AMISOM oo shaaciyey in ay ka saari doonaan Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam guud ahaan dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in dalka Soomaaliya ay ka saarayaan Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam, isla markaana dagaalada sii soconayaan inta Dowladda KMG Guud ahaan Dalka gacanta u galinayaan.

Sidaas waxaa caddeeyey Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko oo warbahinta la hadla, wuxuuna  sheegay dagaalada ka socda Degmada Boondheere in aysan la mid ahayn dagalaadii horey uga dhacay caasimada Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee Afhayeenka wuxuu beeniyey in  gaari leeyihiin ay maalintii shalay  ahayd ka gubeen Ciidamada Xarakada Alshabaab, balse wuxuu caddeeyey in gaarigaas Cilad ku timid xili dagaalada ka qeyb qaadanayay, laakiin dib u jiiteen sida uu sheegay Afhayeenka.

Hase ahaatee Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko wuxuu Waalidiinta Caruurta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka waantoobaan in caruurtooda ka qeyb galida dagaalada u dhaxeeya Xarakada Alshabaab, xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo Dowladda KMG oo garab ka helaysa Ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee Saraakiil u kala hadashay Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sheegeen in mid waliba dhankooda ay sii wadayaan dagaalada guulna ay  ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay caasimada Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: