Saraakiisha ciidamada xoogga dalaka Soomaaliyeed oo ballan qaaday in dalka ay ka sifeyn doonaan kooxaha nabad diidka ah.

Halkaan ka akhri

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdi kariin Yuusuf Dhegabadan ayaa sheegay in shalay uu kulan qado ah oo R/wasaaraha Soomaaliya Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana laga wada hadlay sidii ay  ciidamada Qalabka sida ay dalka uga saari lahaayeen Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda, si meesha looga saaro dhibaatooyinka ay kooxahaas ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

General Dhegabadan ayaa sheegay in Ciidanka xoogga oo kaashanaya mas’uuliyiinta dowlada iyo shacabka Somaaliyed ay haatan u soo jesteen sidii dalka ay uga sifeyn lahaayeen kooxaha nabad diidka ahi, si loo soo celiyo sharaftii iyo karaamadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed uu horay u lahaa.

Abaanduulaha iyo saraakiil kale ayaa waxay si wada jir ah R/wasaaraha ugu balan qaaday in ay dadka, dalka iyo Diintaba ka difaaci doonaan cadowga Soomaaliyed midab kasta uu leeyahay, waxa uuna abaaduuliyihi tilmaamay in cadowga xiligan wixi ka danbeeya aaneey farxad ku noolaan doonin taas bedelkeedna ay welwel ku noolaan doonaan lagana sifeyn doono gud ahaan dalka.

Sida lagu soo warramay hadlka abaanuulaha ayaa imaanaya xilli ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay horumar ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacayay qeybo ka mid aha magaalada Muqdisho, oo khasaare xoogan loogu geystay Kooxaha nabad diidka ah iyo xulufadooda Ajaaniibta ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: