Advertisements

Mudane C/qaadir Aadan Jiraabey oo markale loo Caleema saaray inuu noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Midland ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

This slideshow requires JavaScript.

Waxaa maalintii Axada ahayd magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya markale lagu caleemo saaray Madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Midland ee  Soomaaliya Mudane C/qaadir Aadan Jiraabey .

 Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo  kamid ah jaaliyadaha  Soomaaliyeed ee reer Hiiraan iyo Midland ee ku nool dibadaha iyo magaalada Nairobi, waxaa kaloo  kasoo qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo  Odoyaasha 14-ka Beeloood ee dega Hiraan & Midland iyo marti sharaf  kale.

Waxaa sidoo kale isla goobtaasi lagu dhaariyay madaxweyne ku-xigeen iyo wasiiro katirsan maamul goboleedka Hiiraan iyo Midland, kuwaasi oo dhammaan ballan qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka loo xil saaray.

Xafladaasi ayaa waxaa khudbado xasaasi ah ka jeediayay madax fara badan oo uu kamid ahaa Wasiirkii hore ee Dhaqancelinta iyo Daryeelka Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim, kaasoo sheegay in maamulkan uu saldhig u noqdo nabad lagu soo dabaalo koonfurta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Jaaliyadaha reer Hiiraan iyo Midland ayaa si aad ah usoo dhoweeyay uguna riyaaqay  sida wadajirka ah  ee ay isku raaceen 14-ka beelood  ee ku midoobey dhismaha maamulka dowlad goboleedka Hiiraan & Midland.

Sida lawada ogsoon yahay dhulka Hiiraan iyo Midland ayaa ku yaala bartamaha illaa koonfurta Soomaaliya, waana dhul aad u barwaaqa ah, wax soo saarna leh, waxaana mara webiga Shabelle, Degmooyinka ku yaala dhulkan ayaa kala ah: Baladweyne, Buulo-Burte, Maxaas, Jalalaqsi  Matabaan, Ceel-Cali, Buqaqable, Mukayle, Goobaanle, Jilyaale, Show, Balad-Amiin, Leego, Raso.

Dhulka uu ku fadhiyo Hiiraan iyo Midland ayaa ah mid aad uga ballaaran, marka loo eego dhulalka ay ka taliyaan maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: