Advertisements

Madaxa gaadiidka gurmadka deg dega Cali Muuse Sheikh oo warbaahinta uga hadlay Dagaaladii iyo duqeymadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho kas ocda dagaalo oo aan kala  gò lahayn ee u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada AL Shabaab kuwaas oo maalin kasta ka dhacay degmooyinka G/Banaadir gaar ahaan  Degmooyinka ku yaala Woqooyiga Muqdisho.

 

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay ilaa saaka ka socday dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo Madaafiicda meelaaha fog ku dhaca kuwaas oo khasaare badan ka dhashay, hase ahaatee saraakiisha gaadiidka gurmedka degdegga ah  ayaa  faah faahin ay ka bixiyeen khasaarihii u dambeeyay ee ka dhashay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalada iyo duqeymaha saakay ka dhacay xaafado ku yaala degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa bilaawday kadib markii sida la sheegay Ciiidmada Xarakada AL Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhigyo ciidamada AMSIOM iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin xaafado ka mid ah degmada Boondheere iyo Shibis ee Woqooyiga gobolka Banaadir.

Sidoo kale Rasaas culus iyo madaafiic kooban oo is bar bar socday ayaa saakay mar qura waxaa laga maqlay xaafado ku yaala degmooyinka Shibis, Hodan iyo Boondheere ee gobolka Banaadir gaar ahaan isgoyska Boondheere iyo waliba xaafado kale oo ka mid ah degmada Shibis.

Hase yeeshee ilaa iminka ma cadda khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamay iyo dadkii faro ku tiriska ah ee ku haray xaafadaha Woqooyi ee gaar ahaan xaafadaha maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale Madaxa gaadiidka gurmedka deg dega Cali Muuse Sheikh ayaa warbaahinta u sheegay in maalmihi laso dhaafay ay arkeen dhimashada 18-qof islamarkaana ay qaadeen dhawaca 66-qof kuwaasi oo uu tilmaamay in badankoodu ay ka qaadeen xaafado hoostaga degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadaha Sanca iyo Suuq bacaad.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: