Kulamo looga hadlayey Wacyigalinta Haweenka oo ka kala dhacay magaalooyinka Berna iyo Zürich ee dalka Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Kulamo iyo Barnaamijyo si heer sare loo soo agaasimay oo loogu hadlayay wacyigelinta Haweenka ee la xiriira arrimaha horumarinta qoyska, Caafimaadka iyo gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa lagula kala qabtay  galabnimadii Sabtiga iyo Axada waxaana lagu qabtay magaalada Caasimada ee Berna iyo magaalada Zürich ee dalkan Switzerland.

Ugu horreyntii waxaa goobaha lagu qabtay Kulamada Barnaamijkaas Aayado Qor’aanka Kariimka ah ka akhriyey Sheikh Axmed Maxamed Aadan ka mid ah Culumaada Soomaaliyeed oo lagu martiqaaday inuu ka soo qayb galo Xafladaha Barnaamijyadaas.

Barnaamijkan oo wacyigalin ahaa ayaa waxaa si wada jir ah u  soo qaban qaabiyeen Haweynay la yiraahdo  Frau  Monika Huerlimann oo Hay’adda Caritas ugu qaabilsan mashruuca dabar goynta Gudniinta gabdhaha, Frau Birri oo ka tirsan hay’adda Terre-des-femmes ee dalka Switzerland iyo Marwa Caasho Cali Jilacow oo Madaxda ka ah Urur-weynaha Haweenka ee u ololeeya Xuquuqda Dumarka iyo ka hortagga gudniinka, waxaa kulanka Barnamijyadaas ka soo qayb galay Soomaali aad u badan oo isugu jiray Rag iyo haweenba leh.

Waxaa halkaas hadal kooban oo soo dhaweyn ka soo jeedisay Marwa Caasho Cali Jilacow, waxayna ka hadashay wax qabadka Ururka haweenka Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, waxayna sheegtay in xubnaha Ururku uu sanadna sanadka ka danbeeya uu sii kordhayo, taasi ayaa caddeynaysa ayey tiri in sumcadda iyo wax qabadka Ururka uu sare u kacay. Kadibna waxay hadalka u gudbisay Drs. Edna Adan Ismail.

Sida la wada ogsoon yahay Drs. Edna Adan Ismail oo haatan Saldhig u ah Cisbitalka (Dumarka) iyo caruurta oo ku yaala magaalada Hargeysa ee Caasimada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, Drs. Edna waa dhakhtarad Umuliso ah, waxayna horay ula soo Shaqeyso Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO).

Drs. Edna Adan Ismail oo la hadleysay Shabakada Internetka SomaliSwiss. wordpress.com iyo Radio somaliSwiss waxay sheegtay in si rasmi ah loogu casumay dalkan Switzerland, si ay uga qayb gesho Barnaamij dheer oo taxana ah ee soo billabmay 25ka Nofember oo ahayd maalinta loo ololeynaya xuquuqda Haweenka, sidoo kale 5ta dishembre ayaa loo Astaameeyey inay noqoto maalinta la dagaalan Guniinka Haweenka, 10ka dishembrena ayaa ah maalinta guud ee Xuquuqda Aadanaha.

Dhanka kale Drs. Edna Adan Ismail ayaa waxay si faahfaahsan uga hadashay wax qabadkeeda gaar xaaladaha iyo dhibaatooyinka haysta Haweenka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Haweenka wadamada soo koraayo, hase yeeshee Soomaali ka soo qayb geshay kulamadaas ayaa waxaa qof kasta si aad ula dhacay guud ahaan arrimihii ay ka hadashay, Drs. Edna, waxayna  Soomaalidu rà’yigooda ka dhiibteen sida ay u arkaan qodobbadii ay ka hadashay Drs. Edna, gaar ahaan dhibaatada ka imaan kara Gudniinka  Fircooniga ah.

Drs Edna Adan Ismail ayaa waxaa galabnimada 25ka Nofember ay ka qayb geshay Kulan lagu qabtay  Guriga degmada Zürich (Stadthaus),  kaas  oo loogu hadlayey Xuquuqda Haweenka oo lagu soo martiqaaday Edan Adan oo ah haweynaydii u dhexday Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Cigaal, waxaa kaloo kulankaas ka qayb galaya Madaxweynaha degmada Zürich Corine Mauch, Nani Mora, presidente di Terre des Femmes Svizzera, Marisa Birri oo khabiir ku ah Xoog-sheegashada Haweenka, dhammaan Madaxdan waxay ka hadleen daryeelka Haweenka iyo horumarintooda.

Kulanka ka dhacay magaalada Zürich ayaa waxaa lagu casumay   Axmed-Yaasiin Aadan Faarax oo ah Fanaaniintii hore ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Dhallinyarada Fanka Swisska, waxayna halkaas si wacdarro leh u soo bandigeen heeso, gabayo Geeraar ka hadlaysa waxyeelada loo geysta hablaha Soomaaliyeed waxaana ka mida “Haddaad Gaaleef afeyso oo Halbowlaha ruux ka goyso, waxaad tahay gacan ku dhiiglee“, tani waxay ka mida tahay murtidii halkaas ay ku soo bandhigeen Hobolada dhalinyarada fanka Swisska

Sidoo kale Waxaa magaalada Bern, dadkii ka soo qayb galay Kulankaas madadaalinayey Al-fannaan  Abwaan Cabdow Muuri oo ka qayb galayaashu u qaaday Heeso wadani ah iyo kuwo qoob ka cayaarba leh ee ay dadku si aad ah uga qanceen.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas si wadajir ah ugu wada Casheeyey dadkii ka soo qayb galay Kulamadaas, waxaana la keenay Cuntada dhaqanka Soomaalida (Kultur-essen ), waxayna  labada Xafladda Kulamadii ka kala dhacay Bern iyo Zürich ay ku dhamaadeen  Jawi aad u wanaagsan, waxaana si aad loogu mahad celiyey Ururka Haweenka Soomaaliyee ee dalkan Switzerland oo la magac baxay “Aan wada hadaln“ ee ay hoggaaminayaan Marwa Caasha Cali Jilacow, Safiyo Sheikh cali yare, Sacdiyo Muxidiin. Cabdiyo Cali Axmed, Shukri Xirsi Muuse, Khadro Cabdisalaam, Ruqiyo Xasan Muran, Maandeeq Nuur Garaash oo ah Fanaanada reer Zürich iyo Fanaanada kale fanka Iftin marwa Caddey.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: