Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?


Halkaan ka akhri

Waxaa Saaka dagan xaalada guud ee Magaalada Muqdisho oo xalay laga seexan waayay dagaalado  iyo duqeyn culus oo loo gaystay qaar ka mid ah degmooyinka iyo xaafadaha shacabka dagan yihiin.

Sida warku nagu soo gaaray waxaa xalay laga hurdi waayay dhawaqa madaafiicda culus oo ay isdhaafsanayeen Islaamiyiinta Mucaaradka iyo Dowlada oo AMisom kaashanaysay ka gadaal markii dagaal kooban uu dhacay saqdii dhexe.

Xalay waxay Madaafiicdaan bilowdeen markii Islaamiyiinta ay weerar jiha walba uga soo qadaeen saldhigyada Amisom iyo Dowladda ay ku leeyihiin aaga hore ee Degmooyinka dagaalada joogtada ka noqdeen ee Woqooyiga Muqdisho.

Dagaalka Weerarka ah ka dib ayaa waxaa bilowday madaafiic culus oo lagu garaacayay xaafadaha ay ku kala sugan yihiin ciidamada Mucaaradka iyo kuwa Dowladda ee aagaga hore, taasi oo isku badashay in madaafiic tiira dheer ay adeegsadaan Ciidamada Amisom.

Sida lagu soo warramay Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa ayaa laga seexan waayay markii madaafiic culculus ay ku soo hoobteen xaafadahaasi oo shacabka ay weli dagan yihiin.

Waxaa Xilli saqdii dhexe ah ayaa waxaa qof walba uu biloobay in uu raadsado goob uu ka galo madaafiicda waxaana taasi ay sababtay in dadka ay waayaan meel ay jiifadaan maadaama madfac ka carar ay noqdeen.

Hase yeeshee waxaa waaberigii hore istaagay madaafiicda waxaana dadka ay bilaabeen in ay ku laabtaan guryahooda maadaama ay markii hore uga carareen madaafiicda aan la aqoon goobta ay ku dhacayaan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada AL Shabaab ay  kala sheeganayaan gacan ku hayanta goobihii lagu dagaalamay maalmihii u dambeeyay ee degmooyinka Woqooyiga magaalada Muqdisho.

Waxaa  shalay xaafadaha Woqooyi ee magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada AL Shabaab ayaa dagaalkaasi waxaa guulo ka kala sheegtay dowladda KMG iyo Xarakada AL Shabaab.

Sida uu sheegay Jenaral Maxamuud Max’ed Saneey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG oo shir jaraaid ku qabtay farumaha hore ee ciidamada dowaldda ay kaga sugan yihiin Woqooyiga Muqdisho ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen fariisimo uu sheegay in maalmihii u dambeeyay Xarakada Al Shabaab ay kaga soo weerara jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab oo isna saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay qadka Taleefonka ayaa waxaa uu sheegay in guulo la taabankaro ay ka gaareen iska horimaadkii shalay Woqooyiga magaalada Muqdisho ku dhexmaray Askarta dowladda, isagoo ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya in wariyeyaasha ay ku wargaliyeen inay ka qabsadeen Al Shaabab Wasaaradii arimaha gudaha, hase ahaatee ay warbaahinta kula hadleen guriga Maxa’ed Cumar Xabeeb Maxamed dheere oo aha duqii hore ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ugu digay Wariyaasha in ay aadaan goobaha dagaalka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhibaatada ugu badan soo gaartaa dadka rayidka ah ee ku sugan xaafadaha lagu dagaalamayo iyadoo mar waliba dhinacyada ku dagaalama magaalada Muqdisho ay guulo ka kala sheegta dagaalada dhexmara.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: