Taliyaha Boliiska Kenya oo sheegay in Soomaalidu lug ku lahayn Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii.

Halkaan ka akhri

War laga soo saaray Xarunta Ciidamada Boliiska dalka Kenya ayaa sheegaya in la xaqaijiyey in weeraradii laba maalin ka hor lagu qaaday askar ka tirsan ciidamada boliiska xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ay ka danbeeyeen kooxo  Burcad ah oo dhibaato ka shaqeya.

Sida goor hore la sheegay waxaa weeraraadaas si weyn looga shakisnaa in ay ku lug lahaayeen kooxo ka tirsan Xarakada  Al-Shabaab ee Soomaaliya dagaalka ka wada, balse haatan waxaa la caddeeyay in kooxdaas aysan qeyb ka aheyn khasaaraha  loo geestay ciidamada boliiska Kenya.

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Taliyaha ciidamada Boliiska Kenya  Mathaare Inteeri iyo afhayeenkiisa  Ereg Kaa’ida ayaa waxaa lagu sheegay in la sameeyay baaritaano iyo dabagal qoto dheer oo lagu ogaanayo halka laga soo abaabuley duullaankaas jaha wareerka keenay waxaana ay arrintaas si cad u soo baxday markii uu dhacey qaraxa labaad oo ciidanka lagula beegsadey meel ka baxsan xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahey.

Taliyaha ciidanka Boliiska Kenya waxa uu tilmaamey in ciidamadu ay bargarteen laba ka tirsan kooxda fidna wadayaasha ah oo ciidamadu ay toogteen xilli ay isku dayeen in ay Mooto ku baxsadaan taas oo meesha ka saartey shakigii la xariirey in maleshiyada Shabaab ay soo abaabushey.

Hase yeeshee  waxaa Shalay Taliska ciidanka Boliiska Kenya ay codsi in baaritaanada laga taageero ah u dirsadeen hay’adda denbi baarista Mareykanka ee FBI-da, lamana oga illaa iyo hadda in saraakiil ka socota FBI-da ay dalka Kenya soo gaareen iyo in kale.

SomaliSWiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: