Saraakiisha iyo Taageera-yaasha Sheikh Xasan Turki oo ka dayrinaya xaaladdiisa caafimaad, isuna diray qaylo dhaan.

Halkaan ka akhri

Warar hoose oo laga helayo, Wadamada Yurub qaarkood, Neyroobi iyo Magaalada Kismaayo  ee xarunta Gobalka J/hoose ayaa xaqiijinaya xaalada caafimaad ee Hogaamiyihii Kooxda Raas-Kaambooni Sheikh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) ay aad u liidato, uuna la ildaranyahay xanuuno in badan soo hayay oo la qarinyay.

Sheikh Xasan Turki oo wadamada reer galbeedka ugu jira liiska dadka la doon doonayo ayeysan suurta gal u aheyn in lagu daaweeyo wadanka dibadiisa, waxayna sheegen warar hoose oo laga helay dhaqaatiirta ku howlan daawayntiisa inaan waxba xaaladiisa looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

Inkastoo ay Horjoogayaasha Al-Shabaab qariyeen xanuunka muddo hayay wadaadka Xasan Turki, ayaa waxaa maalmahaan isa soo tarayay warar laga helayo dad eheladiisa ah iyo kuwa taageera oo meel kasta oo ay joogaan isku habar wacday, iyagoo aan qarin xanuunka XAsan Turki,  waxayna qeylo dhaan lacag uruurin ah ka socotaa inta abdan wadamada Yurub iyo Kenya oo lagu howlan yahay in la helo lacag lagu daaweeyo Xasan Turki.

Sh Xasan Turki oo ah wadaad lagu bartay dhanka dagaalada ahna nin quwad ku lahaa Jubooyinka Soomaaliya intuusan afka ciidda u darin kooxda Al-Shabaab oo markii dambe uu ugu biiray si cabsi leh ayaan warkiisa la maqlin in muddo ah, waxayna wararku shegayaan inuu la jiifay xanuun daran.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: