Saddex dhalinyaro ah oo Xukun Tacsiir ah lagu fuliyey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

War saakay naga soo gaaray  degmada Baardheere ayaa sheegaya in Saddex dhalinyaro ah oo ka mid ah deegaanka lagu fuliyey xukuno Tacsiir ah, kadib markii Ciidamada xarakada Alshabaab ee  Degmadaas ku soo qabteen iyagoo daawanayey Aflaanta Xun xun.

fagaaraha xukunkaasi tacsiirta ah lagula fuliyey dhalinyarada saddexda ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Boqolaal ka mid ah dadka deegaanka, si ay u arkaan xukunka ay mureysteen dhallinyardii lagu soo qabtay daawashada Aflaanta aan wanaagsanayn.

Mas’uuliyiinta maamulka Xarakada Al-shabaab Magaalada Baardheere ayaa sheegay dhalinyaradan in ay qirteen fal dambiyeedka lagu soo qabtay, sidaasi darteena lagu fuliyey xukuno Tacsiir ah.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horaysay maamulka Xarakada Alshabaab Magaalada Baardheere xukun Tacsiir ah ku fuliyaan dhalinyaro lagu soo qabtay daawashada Aflaanta xun xun.

SomaliSWiss    Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: