Al-Shabaab oo sarkaal sare oo Ajnabi ah looga dilay dagaaladii maalmahaan ka dhacayay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Horjooge sare oo u dhashay dalka Yemen ayaa Xarakada Al-shabaab looga dilay dagaaladii ka socday maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya warar ku saabsan qaabka iyo nuuca uu u dhintay horjoogahaasi oo ka mid ahaa ragga ugu sareeya Ajaaniibta ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Faamu Raajax oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Qaalid ayay wararka aan ka helayno ilo kala duwan xaqiijinayan inuu ku dhintay dagaaldii 5-tii maalmood ee lasoo dhaafay,  ka dhacayay Waqooyiga Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan inuu geeriyooday xalay.

Abuu Qaalid ayaa dhaawac kasoo gaaray dagaal ka dhacay degmada Boondheere, ka dib lagu daawaynayay isbitaal gaar ah oo ay Xarakada Al-Shabab ku daaweeyaan Ajaaniibta, kaas oo ku yaalla duleedka dambe ee degmada Dayniile.

Waxaana la geeyay degmada Jowhar maalmo ka hor isaga iyo 13 kale oo ay ku jiraan Ajaanib iyo kuwa Soomaali ah, wuxuuna dhintay xalay sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Jowhar.

Horjoogahaan ayaa ku xigeen u ahaa Abuu Muscab oo ka soo jeeday Dalalka Bariga Afrika oo horay ugu geeriyooday dagaallada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: