Xiriiriyaha arrimaha bini’aadanimada QM oo sheegay in Soomaaliya ay xilligan ka jiraan xaaladihii ugu darnaa ee abid soo mara…

Halkaan ka akhri

Sida la wada ogsoon yahay waxaa Qaramada Midoobay ay dhowaan kharaj u codsatay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya waxayna sheegtay in haddii la helo mucaawanadaas ay mudnaanta kowaad siin doonto wadahadal ay kooxaha mayalka adag ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah kala yeelato sidii sahay gargaar ah loo gaarsiin ahaa dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay kooxahaasi haystaan oo QM sheegtay inay xilligan heystaan xaaladihii ugu darnaa muddo abid ah soo mara ee isu biirsaday abaaro iyo dhulkaasi oo aan di’in wax roob ah.

Xiriiriyaha arrimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mark Bowden wuxuu sheegay inaysan xilligan ay daawadaan xaaladda dhinaca bini’aadanimada ee sii xumaaneysa kana jirta guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan ee koonfurta iyo bartamaha.

Mr. Mark Bowden waxa uu sheegay si looga hortago musiibo ka dhalata dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya in loo baahan yahay qaabkii dadkaasi dhibaateysan gargaar loo gaarsiin lahaa, isagoo ugu baaqay kooxda ururka Xisbul Islaam inay iyaguna sidaasi u gartaan oo ka qeyb qaataan hannaanka loogu gargaarayo dadka dhibaateysan.

Xiriiriyaha arrimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mark Bowden oo ka hadlayey arrintaa wuxuu yiri: “Haddii Xisbul Islaam laga helo waan kala hadleynaa sidii dadka dhibaateysan ay gargaar ku heli lahaayeen”, dhinaca kale wuxuu sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii loo hormarin lahaa wadahadalka looga dhaadhicinaya kooxaha mucaaradka ah in ay aqbalaan mas’uuliyadda ka saaran sidii loo caawin lahaa dadkaasi.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: