Ra’isal wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo kormeer ku tagay jiida hore ee dagaalka ciidanka dowladda ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa galinkii dambe shalay kormeer ku tagay aagaga hore ee ay dagaalada ka socdaan Wuxuuna indhihiisa ku soo arkay  meedad gaaraya  ilaa 50 Maleeshiya oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo ku dhinteen dagaaladii shalay iyo habeen hore ka dhaceen xaafada Woqooyiga G7Banaadir.

Sidoo kale Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo intuu booqasho kormeerka ah ku marayey Aaagagga hore ee dagaaladu ay ka socdaan wuxuu halkaasi kula hadlayey ciidamada dowladda ee dagaalada kula jira xoogaga kasoo horjeeda dowladda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho,wuxuu sheegay in halkaasi ay ka dhaceen mashaqo dhimasho iyo dhaawacba leh ee ay ku halaagmeen dhallinyaro la soo marin habaabiyey.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Ciidamada dowladda ay muujiyeen inay ka go’an tahay in dalkooda ka xureeyaan kuwa nabad diidka ah, wuxuuna intaas uu ku daray in Ciidamadu ay  qabsadeen fariisimooyin ay lahaayeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in Ergo Nabadeed ay u direen dhinacyada kasoo horjeeda, hase ahaatee ay diideen wadahadal dib u heshiisin ah.

Dhanka kale Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa ciidamada dowladda ugu hambaliyeeyay guusha ay gaareen, wuxuuna ciidamada u sheegay in uu ku faraxsan yahay talaabada ay qaadeen, sidoo kale wuxuu ku booriyay in ay sii laba laabaan la dagaalanka ku diidan in soomaaliya ay lugaheeda isku taagto.

Ra’iisul wasaaraha dowladda ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay in ay sii wadi doonaan dagaalada ilaa ay ka ciribtirayaan sida uu hadalka u dhigay xoogaga hubaysan ee kasoo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu ku eedeeyay Al Shabaab in ay doonayaan in dalka ay burburiyaan islamarkaana ay kasoo horjeedaan horumarka uu ku talaabsanayo dalka.

Si kasta ha ahaatee kormeerkan ma ahan kormeerkii ugu horreeyey ee Ra’iisulwasaare Farmaajo uu  ku tago aaga hore ee dagaaladu ay ka socdaan, balse wuxuu horay booqasho Xerooyinka iyo goobo kale ay Ciidamadu ku sugan yihiin  hase yeeshee arrintan ayaa wax weyn ka bedeshay Muraalka ciidamada Aagaga hore ku sugan kuwaas oo dagaalada kula jira Xarakada AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: