Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan la keeni doono lacag Shilin Soomaali cusub oo lagu bedelayo tii hore.

Halkaan ka akhri

Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo ah Wasiirka Maaliyada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay dawlada KMG ah ay keeni doonto dalka lacag Shilin Soomaali ah oo lagu bedelo tan iyo hada jirta oo xaaladeeda  ku sugan tahay baaba’.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayey  wuxuu yiri: ” Dawladda Soomaaliya ayaa waxay dhawaan heshiis lacag cusub lagu daabacayo la gashay hay’ad caalami ah oo lacagta sameysa, iyadoo qarashka ku baxayana ay balan qaaday dawlada Suudaan”, wuxuuna intaas uu raaciyey inuu dhawaan booqasho ku tagi doono asiga iyo gudoomiyaha Bangiga dhexe, sidoo kale wuxuu sheegay in arintaas ay wax ka badeli doonto lacagta Sh. Soomaaliga ee 1000. aan sarifka laheyn ee hadana baaba’san.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyada dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaagay in lacagtan shiln Soomaaliga cusub ay noqon doonto mid sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay wax weyn ka bedeli doonto sidii kunka duugoobay loogu bedeli lahaa, isagoo sheegay in ay lacagtaas kaabi doonto dhaqaalaha dalka.

Hase yeeshee Wasiirka wuxuu hoosta ka xariiqay in safarkooda uu bilow u yahay balan qaadkii Ra’isulwasaare Farmaajo ee ahaa in xukuumadani tirada yar ay tayo badan la imaan doonto taasoo ka mid ah lacagta cusub ee qaranka loo sameynayo.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: