Wadamada Ruushka iyo Qatar oo ku guuleystay martigelinta koobka aduunka Sanadaha 2018 iyo 2022.

Halkaan ka akhri

Wadamada Rushka iyo Qatar ayaa martigelinaya koobka aduunka ka dib markii xubanaha 22-ka guddiga fulinta FIFA ay u codeeyeen dalalka sida rasmiga u martigelinaya 2018 iyo 2022.

Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa shaaciyay natiijada ka soo baxayday Zurich, Switzerland, galabnimada Khamiista.

Waxaa dalka Russia tartan la galay oo ay kaga adkaatay England, Netherlands, Belgium iyo Spain, Portugal. Ra`iisul wasaare ku xigeenka Russia Igor Shuvalov ayaa ku dabaaldegay: “Waxaad nagu aaminteen koobka aduunka ee FIFA 2018 waxan idin balanqaadaynaa inaadan ka shaleyn doonin martigelinteena, aan si wadajir ah u qabano kulan taariikhi ah.”

Hase yeeshee Dalka Qatar  ayaa lagu abaalmariyay martigelinta koobka adduunka 2022  iyadoo ay tartan kula jireen Australia, Japan, South Korea iyo USA – waana markii ugu horeysay ee tartankan lagu qabto Bariga dhexe.

Balse Go`aanka guddiga fulinta  FIFA ka soo baxay ayaa ahaa mid wax yar lala yaabay ka dib markii dalabaadkii  USA iyo Australia uu ahaa mid aad loo soo qurxiyay.

Inkastoo Xaaladaha cimilada dalka Qatar la sheegay inuu kul aad u daran ee gaara 50 degrees uu ka jiro ayaa hadda waxay soo bandhigtay habka ay uga qeybgelayso tartanka waxayna sheegtay in dhammaan goobaha lagu ciyaarao ay gelinayso qaboojiyayaal, waxaana la sheegay in howshaas ay ku bixi doonto malaayiin lacagta Dollarka ah.

Sida la sheegay Dalabka England ee inuu martigeliso 2018 ayaa waxaa asiibay gadood ka dhan ah baaris musuqmaasuq ee xubnaha FIFA dhexdooda oo ay soo wariyeen BBC Panorama iyo Sunday Times labadii bilood ee uu danbaysay.

Guuldarada ayaa timid iyadoo uu soo bandhigay muuqaal cajiib ah dalka England tasoo uu si gaar ah u xusay  Blatter  “Aad u wanaagsan , cajiib ah”.

Balse David Beckham, oo ah xubinta ugu caansan xubanaha England ugu jira doonista tartankan isla markaana ahaa kabtankii hore ee xulka qaranka ayaa u sheegay < Five Radio>: “Waxaan rumaysanahay inaan sameynay waxkasta oo macquul ah. Ma sameyn karin intaas wax ka siyaada ah .

“Aad ayaan uga xumaanay lakiin waxaan u rajeynaynaa Qatar iyo Russia wanaag. Waa labo dal oo waa weyn , waana hubaa in FIFA ay ka dhigayaan mid lagu faano.”

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Arsenal David Dein, oo ka mid ahaa xubnihii lagama maarmaanka ahaa ee England u matelayay tartanka, aad buu uga carooday “in kooxda ugu wanaagsan aysan ku guuleysan”.

“Markii guddigii farsamo iyo dhaqaale warbixintooda soo baxday , waxaan ahayn midka ugu wanaagsan  – hadaanan ahayn waxaad ka ogaanaysaa wixii aan soo bandhigay inay ahaayeen wax wanaagsan , ugu danbayntii waxay naga dhigtay inaan murugoono,” ayuu yiri Dein. ” Ma hubo sida loo shaqeeyay, waxaan dhihi karaa nolosha ayaa ah sida aan ku aragnay ciyaaro badan oo kubadda cagta in kooxda wanaagsan muhiim u ahayn inay badiso.”

Dhanka kale Xiriirka kubadda cagta Spanish-ka (RFEF), oo isna soo bandhigay dalabkiisa ku aadan inuu kula martigeliyo 2018 Portugal, ayaa u rajeeyay wanaag Russia iyo Qatar.

“Xiriirka kubadda cagta  Spanish-ka ayaa u hibeeyay Hambalyo xiriirada kubadda cagta  Russia iyo Qatar ka dib markii loo doortay inay martigeliyaan 2018 iyo 2022 sida ay isugu xigeen.” Ayuu u qornaa bayaanka RFEF .

Madaxa xubnaha Mareykanka ugu qeybgelaya tartanka martigellinta koobka adduunka  ayaa yiri guuldarada “way adag tahay in la qaato”. Wadanka tirsan waqooyiga American waxay ahayd in loo tixgeliyo inuu ku guuleysto inuu martigeliyo ciyaaraha kama danbeysta ee dhici doona 12 ka dib.

Madaxa xiriirka kubadda cagta ee Mareykanka Sunil Gulati ayaa yiri : “Ma jirto meel loo laabto , aad ayaan u murugooday .” laakiin wuxuu ku daray: “Siday ahaataba dalabkeena ma guuleysan lakiin mustaqbalka kubadda cagta ee Mareykanka aad ayay u iftiimaysaa.”

SomaliSwiss ZURICH

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: