Qarax xooggan oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Halkaan ka akhri

Qarax xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay xaafadda Isli ee maagaalada Nairobi qaraxaas oo ahaa mid gacanta laga tuuray ayaa waxaa lala beegsaday gaari landRover ah oo ay lahaayeen ciidamada Boliiska.

Sida lagu soo warramay Dadka dhaawacmay ayaa 10 gaarayya, halka laba kamid ah ay ahaayeen saraakiisha boliiska uu dhaawacoodu daran yahay, loona carar isbitaalka.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga la begsaday uu ku jiray ciriiri wadada ka jiray, kadibna uu qof aad ugu soo dhowaaday uu daaqadda uga geliyay walax qaraxda.

Ciidanka boliiska ayaa hadda howl gallo baaitaanno ah ka wada agagaarka goobtii uu qaraxa ka dhacay.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: