Halkaan ka akhri
Maanta oo  ah 03 Dec, 2010 waxaa magaalada Muqdisho laga xusay qaxaxii ka dhacay Hotel Shaamow Sanad ka hor oo ay ku dhinteen Arday, dhaqaatiir iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya,balse mas’uuliyadda qaraxaas ay diideen xoogagga hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda.Â
Sida la sheegay Qaraxaas waxaa  fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimid dalk Denmark oo xiriir la leh kooxaha hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30-qof oo ay k jiraan afar wasiir oo ka tirsan xukuumaddii iscasishay ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke.
Qaraxa lala beegsaday dadkii isugu yimid Xaflad ay ku qalinjabinayeen arday wax ka bartay jaamacadda Banaadir, waxayna barteen cilmiyada kambiyuutarka, dhaqaalaha iyo arday barta cilmiga caafimaadka, kuwaasoo ahaa kuwii ugu badnaa ee ku dhintay qaraxa.
Waxaa ku dhintay qaraxaas dhaqaatiir uu ka mid yahay hormuudkii jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid), waxaana dhaawacyo isugu jiray kuwo halis ah ay kasoo gaareen dhaqaatiir kale oo qaarkood weli ku jira isbitaallo ku yaalla dalka Saudi Arabia, Sidoo kale Qaraxaas waxaa ku dhintay wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo u dhintay sannadkan horraantiisa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxaas. Â
Hase yeeshee intaas oo keliya ma hayn dadka ku dhintay ee waxaa jiray suxufiyiin ku dhinteen waxaana ka mid ahaayeen: Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmayÂ
Sidoo kale Sheikh Shariif, wuxuu sheegay in qaraxaas uusan cabsi gelin doonin, ayna sii wadayaan howlahooda, isagoo sheegay in qaraxaas uusan ahayn midka keliya ee lala beegsaday xubno ka tirsan dowaldda, balse uu ka horreeya qarax ka dhacay Baladweyne oo lagu dilay 70-qof oo ay ku jireen wasiirkii amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariin Laqanyo.
Madaxweyne Sheikh Shariif oo Khudbadii Salaadda Jimcaha Uga hadlay Qarixii Hotel Shamow oo maanta Sanad Ka Soo Wareegtey, wuxuuna xusay in dhacdadaas ay ahayd mid ay ku soo buraarugeen shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan.
Dhanka kale Waalidiinta dhalay, ardaydii lagu dilay qaraxaas, ayaa iyaguna dareenkooda muujiya, iyado qaarkood ay sheegeen in lagu dilay qaraxaas caruurtooda oo ay dhibaato kusoo koriyeen waxna ku bareen, si ay u anfacaan naftooda, dadkooda, dalkooda iyo waalidiintood. Â
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.