Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo ku goodiyey in uu wax ka qaban doono ciidamada dhibaateeya dadweynaha.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Maamulka gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa sheegay inuu wax ka qabanaayo dhibaatooyinka xasilooni darrada ah ee ay ka dambeeyaan ciidamada dowladda.

Maxamuud Tarzan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in lagu daadin doono ciidan-dharaad ah deegaanada ay maamusho dowladda si wax looga qabto dhibaatooyina jira.

Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan wuxuu intaa ku daray in gacan bir lagu qaban doono dadka ku qaraabta dareeska ciidamada dowladda KMG.

“Shaqo ayaan ka qabaneynaa, waxaana hor keeneynaa sharciga,” sidaas  waxaa ku goondiyey Tarzan.

Sida la sheegay  waxaa mar walba lagu arkaa deegaanada ay maamusho dowladda KMG ee magaalada Muqdisho rag hubeysan isla markaana labisan dareeska ciidamada dowladda oo hadana dhac iyo dhibaato kula kacaya shacabka.

Dhanka kale Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Tarzan oo ka hadlayey dhibaatooyinka ka jira meelaha ay dowladda  maamusho wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maamulkiisa wax ka qaban doono waxyeelada loo geysanaya bulshada ku dhaqan Gobolka banaadir, gaar ahaan degmooyin ay dowladda gacanta ku hayso.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: