Dumarka madhalayska ah oo ay rajo cusub u dhalatay.

Halkaan ka akhri

Lamaanayaasha is calfada ayaa qaar waxaa ay helaan caruur badan, kuwana waxa la soo darsa dhibaato ah in ayna helin wax caruur ah. Barigii hore waxaa lagula dadaali jiray ilmo la’aanta habab kala duwan.
 
Waxa jira ilaa hada dad aaminsan hadii ay ku fadhiistaan dhagaxaan la yiraa way barakaysan yihiin in ay dhalayaan caruur. Waxa jira habab kale oo khuraafaad ah oo lacag looga qaato lamaanayaasha dhibaatadu haysato ee aan caruur helin.

Laakin xaga cilmiga maadiga ah ayaa arintan waxaa lagaga gaadhay horumar. Taasna waxa tusaale u ah, ninka la yiraahdo Robert Edwards ee sanadkan la siiyay Abaalmarinta la yiraahdo Nobel Price-ka, una dhashay wadanka UK, oo ku guulaystay in bacriminta ka dhexdhacda ninka iyo haweenaydiisa oo ukunta iyo xawada ku sameeyay meel aan ahayn ilmogaleenka.

Hadaba dhawaan ayaa waxaa cilmi baadhis la sameeyay lagu guulaystay in dib loo hagaajiyo ilmo galeen shaqadiisii gabay. Haweenka raba in ay dhalaan ilmo ayaa had iyo jeer ka war wara in ay caruur dhalaan inta ayna dhalmadu ka joogsan.

Laakiin hada ayaa natiijada cilmi baadhitaankan la sameeyay ee lagu hagaajinayo ilmo galeenka howshiisii gabay ee aan soo saari karin ukun ayaa rajo ku dhaliyay haweenka. Arintan lagu guulaystay ayaa waxa dhawaan soo tabisay jariidada la yiraahdo Daily Mail.

Koox aqoonyahano ah oo joogta Qaahira ayaa waxaa ay heleen hab ay dib ugu hagaajinayaan qaybta ilmo galeenka ee ugxansidaha si uu u soo saaro ugxan cusub. Tanina waxaa ay farxad wayn u noqotay dumarka aan wali dhalin laakiin gaaray xiliga ay dhalmadu ka yaraato haweenka.

Boqolkiiba hal ayaa dumarka da’doodu tahay 30 jir hore u gala xiliga ay dumarku ka yaraato dhalmada. Dhibaatadan ku dhacda dumarkan da’ada yar ayaa wali wax dawo ah loo helin, laakiin hada ay khubaradu heshay wadadii lagu xalin lahaa.

Khuburada baadhitaan samaynaysay ayaa waxa ay ka soo qaateen dooli unugyada aasaanka oo khaas ah xinjirta ka samaysanta marka ay bacrimintu dhacdo. Kadibna waxa ay ku abuureen dooli dhedig ah. da’ yar oo ma dhalays ah.

Khuburada ayaa waxaa ay arkeen dooligii dhediga ahaa oo laba asbuuc ka dib ugxansidayaashii ilmo galeenkiisu dib u shaqeeyeen, laba bilood ka dibna uu kor u kacay soo saarka dheecaanka jirku sida dooliga kale ee dhediga ah.

– Hada waxaa aan soo bandhignay in aan daweynay ugxansidayaashii ilmo galeenka dooliga, laakiin inkasta oo aan gaarnay natiijadan heerka sare ah ayaa waxa ay qaadanaysaa waqti inta aan ku tijaabinayno haweenka.

Laakiin miyayna tani farxad u ahayn dumarka da’da yar ee ay ku dhacday dhalmo la’aanta, fakirkan waxaa soo saray walalkey iga weyn iyo anigoo soo bandhigay oo soo qoray waraqadan magaceyguna waa Abdirizak Mahamad Macalim Salah.

Qoraalkan waxaa SomaliSwiss soo gaarsiiyay Abdirizak Mahamad Macalim Salah

Ladaneey Magazine

Adigana ka dhiibo ra’yigaaga!

kuna soo dir cabdirisaaq120@hotmail.com

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: