Damaca kooxaha ku hardamaya Soomaaliya waa duminta dalka, dabargoynta dhalinyarada iyo darxumaynta Shacabka.

Halkaan ka akhri

 

Sida aduunka lagu arkay, ama ku cad taariikhda iyo soo jireenka haddii dagaal la galo dowlad jabhad, dagaal beeleed dagaal wadamo dhex mara iyo dagaal kooxo dhex mara mid ayuunbaa guulaysta oo awood yeesha. Mid ayuunbaa daacad ah midna waa dulmi, mid ayuunbaa hantiyaa guusha laysku haystay.

 Hadaba dagaalada u dhaxeeyaa Dowlada kmg ah iyo kooxaha mucaaradka maxaa lagu tilmaami karaa dagaal mudo intaa le,eg socda aanan lahayn wax horumar ah iyo wax natiijo ah ilaa hadana guushiisu tahay sidan shalay idaacadaha ka maqlaynay ee ay kala sheegteen labada dhinac ee dagaalamayay bal ila fiirsha hadalkooda.

Nin yugaandhiis ah oo mushahaaro qaata ayaa idaacad intuu isa soo taago odhanaya waxaan dagaalka horumar ayaan ka samaynay, horumarka uu sheegaa waxuu dilay 100 qof waxuu barakiciyay 10,000 oo qof waxuuna qabsaday wasaarada arimaha gudaha waa hal dhisme oo ciidan dowladeed oo tababarn ay ku qabsan karaan 15 daqiiqo iyada oo aan qof ku dhiman, miyaysan taasi cadaynayn cadaalad darada iyo dulmiga ka dhacayaa wadankeena.

Waxaa hadlay nin kale oo ka mida kooxaha dagaalamayaa wuxuu ugu jawaabay:-

Waxaan gubnay hal taangi oo ah gaadiidka dagaalka Amison, imisa ruux oo Soomaali ah ayaa dhintay, imisaa qaxday imisaa dhaawacantay, imisaa dhib ka soo gaadhay dagaalkii dhacay, haba yaraatee cid is waydiinaysaa ma jirto waa wax laga xanuunsado waxaa taas kasii daran waxuu ugu baaqay dadka nabada haysta sida somaliland iyo puntland in lala dagaalaamo oo loo diido nabada. Isaga oo waliba hiilo ka dalbanayaa shacabka soomaaliyeed Ee ku dhaqan dhulalkaas.

Waxaa markhaati ma doona in aysan dowlada federaalka ah , dagaalku ka ahayn kal iyo laab ee ay tahay mashruuc ay kaga doonayaan aduunyada inay ku dawarsadaan.

Waxaa kale oo markhaati ma doonaa in kooxaaha xisbul islaam iyo alshabaab aysan wadin wax diinaa ee damac siyaasaded iyo aduunyo ay ku dilayaan umada soomaaliyeed, iyaga oo fuliyana dano shisheeye iyo kuwo gaar ah.

Hadaba dadka Soomaaliyeed oo aad moodo inay yihiin shacab riyo ku nool oo aan ka daalin dhibka iyo darxumada ay ku hayaan dagaal oogayaasha magacyada badan ayaa hadaad waydiiso waxaad dareemaysaa afarta meel wada fadhida inay kala taageersan yihiin afar kooxood oo kala duwan: Kuwa dibada jooga iyo kuwa gudaha jooga oo misana qof waliba xaqiiqada ogyahay wax ku qasbayaana ay tahay , nin jeclaysi, qabyaalad, xaasidnimo, iyo wax isu quuritaan la’aanta, islawayni iyo yaan lagaa badin.

Waxaa dagaalkani socday mudo dheer , iyada oo kooxaha mucaaradka ah ay ka taliyaan dalka dhinaca koonfureed iyo bartamaha badidiisa ayaa hada mudadii ayd hulkaas haysteen waxaan ka muuqan wax natiijo ah oo ay keenen iyo waxqabad dhinacyada kala duwan ee arimaha bulshada ku saabsan , dib u dhis, iyo inay dadka u sameeyaan , mashaariic shaqo abuur ah ama ay ka caawiyaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada , horumarinta bulshada.

Taas ayaa waxay muujinaysaa haddii ay dalkoo dhan hantiyaana inaysan ka lahayn wax ujeedo ah aan ahayn danta ay wataan oo ah inay mashaariic ka soo qaateen dad ajaanib ah oo danbiilayal ah oo kun dhuumanayaa soomaaliya, kuwo diimo kale haysta loo carbiyay siday u ceebayn lahaayeen una bedeli lahaayeen diinta islaamka oo ka beensheegaya muslinimada , iyo wadamo aan jeclayn xasilooni iyo nabad inay ka dhalato Soomaaliya.

Waxaan cad sida ay sameeyeen culumo cilmibaadhis ku sameeyay , inay sanad walba ka baxaan dad haysta diimo kale jaamacadaha wadanka Masar waliba Azhar iyaga oo barta diinta Islaamka si ay u dhexgalaan umadaha Muslinka ah, diintoodana kuwa aan garanayn qalad uga fahansiiyaan.

Hay’adaha diinta kristanka faafiya ayaana ku bixiya dakhli badan oo aan la soo koobi karin iyo wadanka isir nacaybka islaamka ee israa’iil. waana kuwa maanta maalgeliya kooxaha mucaaradka ah.

Taas waxaa markhaati ma doon u ah in wadanka ugu islaamka neceb ee yuhuuda xidhiidhka wayn la leh ee ereteriya usoo maraan saanada lacagta iyo hubka, iyo wadanka qadar oo ah dilaalka wadamada islaamka u qaabilsan wadamada reer galbeedka.

Dhinaca kale waxaan wada ognahay in dowlada soomaaliya maanta ay gaadhay heerkii ay hanti lahayd da, ahaan iyo awood ahaan , iyo istiraajiyad ahaanba wadanka oo dhan.iyada oo haysata ciidan badan taageero badan iyo dhaqaaleba. Sadexda wax lagu hantiyaa waa ama siyaasada waxaa lagu qeexaa , waa awood, hanti, iyo aqoon, intiina way haystaa balse uma baahna inay wax qabtaan ee waxay doonayaan inay lacag ku qaataan argagixisaan na haysta.

Mudo laga joogo ku dhawaad 7_8 sano inta u dhaxaysa ayay shaqaynaysay dowlada ku meelgaadhka oo intaas lahayd ciidan u gaara iyo ciidamo Afrikaan ah oo kala duwan oo taageerayay.

Waxaa hadana muuqata inaysan talinin awood ahaan xitaa hal magaalo oo kaliya oo ay dowladu si toosa uga taliso iyada oo dakhliga soo galaa uu la mid yahay mid soo gala wadamada horumaray qaarkood Dhaqaale sanadkeeda ay ku xisaabtamaan.

Waayo waxaa bil walba u qoondaysan 150, malyan oo doolarka maraykanka ah oo ay bixiso dowlada Maraykanku , iyo 70 milyan oo ay bil walba bixiso dowladaha yurub iyo 10 milyan oo ay bil walba bixiyaan dowladaha carabta iyo 50 milyan oo ka soo gasha cashuuraha Dekada iyo Airporka.

Hadana waxaan maalin walba maqalnaa iyaga warbaahinta ku dalbanaaya caawimo caalami ah iyo in aduunku wax la qabto.

Haddii aan tii horeba wax lagu qaban oo ciidamadu aysan mushahaaro qaadan, oo caafimaadka bulshada aan wax loogu qaban oo aan dalka dib u dhis lagu samayn xitaa afarta degmo ay haystaan oo aan shacabka qaxay waxba loogu qaban tan iyo intii ay dalka dowladani ka talinaysay ma jirto maamulka dowlada oo caawimo ama deeq u fidisay dadka dhibaataysan ee banaanada iyo gudaha caasimada iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Hadaba miyaysan ahayn kooxahan magacyada badan ee ku hardama dalka niman u tashaday bulshadan dhibaataysan oo qandaraasyo kala duwan ku soo qaatay, dabargooynta umada iyo darxumada shacabka soomaaliyeed.

Haddii dadku rabo dowladnimo horumar iyo waxqabad isaga oo aan dhaqaale dibadeed helin ayuu samaysan karaa taasna waxaan ka baran karnaa Somaliland & Puntland in ay iskood u gaareen horumar iyo natiijo la taaban karo, umada ku noolna ay dareensan yihiin.

Waxaa cad in ay somaliland maamul iyo ciidan iyo nidaam dowliya samaysateen iyada oo aan helin dhaqaalaha intaas le,eg iyada oo aan helin ciidamo taageera iyada oo aan helin jaaniska iyo aqoonsiga caalamiga ah ee ay dowlada ku meelgaadhka ah haysato.

Waxaa iyana mid aan daahsaarnayn ah puntland inay samaysatay horumar la taaban karo iyada oo aan inta aan kor ku soo sheegay midna helin.

Waxay soomaalidu ku doodaa waxaa dalka ku jirta gacan shisheeye waxaan dowlad la,aanta na dhigay waxaa weeye reer galbeedka , wadamada deriska ah, carabta, iwm.

Wadamo badan oo afrikaan ah oo inaga dhaqaalo badan oo dheeman iyo luul iyo shidaalba leh ayaa afrika ku yaale maxaa dowladahooda loo dumin waayay oo looga dhigi wayay sideena oo kale?

Waxaan been ahayn indhahana laga qarsan karin caalamkana eed loo saari karin in aysan Soomaalidu dowladnimo rabin oo aysan nabad rabin oo aysan deganaanshiiyo rabin

Waxaa la odhan karaa xaalada haatan lagu jiro waxaa ka nolol fiicnayd 90meeyadii waqtiyadii dagaalada sokeeye jireen. Waayo dhibka maanta dhacayaa ma dhici jirin dagaal maalin ka badana ma dhici jirin, ganacsiga, waxbarashada iyo noloshuna way ka fiicnaayeen sida maanta.

Taas waxay markhaati ka tahay inaysan dowlada iyo mucaaradka midna waxba soo kordhin.

Maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahdaa oo qoto dheer hadana xigmad badan:

(Doqon qadar alle taqaan lagama gar helo), waayo wax kasta hadaad bareer cad u sameeyso oo aan idhaahdo ilaahay ayaa qadaray, qof waliba wuu ka gaabsanayaa inuu yiraahdo maaha qadar alle ee wa qaladkaaga, sidaa awgeed Soomaalidu iyagaa is dagaalay ee qalad cid kale uga yimi ma jiro waxaan ugu baaqayaa shacabkan la haystayaasha ah inay xornimadooda raadsadaan oo ay dib iyagu isu saxaan, waxaa dhimanayaa waa ubadkoodii, waxaa dhaawacmayaa waa ubadkoodii, waxaa la gubayaa waa dalkoodi, waxaa la gumaadayaa waa naftooda, maxaa sababay inay kooxo dhiig miirata ah kala taageeraan.

Odayaasha dhaqanka waxay ka hadlaan, beeshayada wasiir lama siin iyo sedkayagii maanan helin.

Culumadi waxay noqdeen tuke canbaarle ileeyn magacoodii ayaa dadka lagu gumaadayaaye.

Aqoonyahankii wuxuu noqday dadkaaga dhinac ka raac oo waxay dantu ku kalifaysaa inuu dalka isaga baxo ama tuugada la shaqaysto midkood, ganacsatadu waa dadka ugu xun ee dhibaatada ka wada wadanka ee gebigiisa oodhan ka dhigay fowdada iyo dagaalka aan dhamaadka lahayn.

Shacabku waa kuwa kala taageersan dadka dhibaatada ku hayo damacooda siyaasadeed waxuu ku dhisan yahay qabiil iyo kanaa i xiga ee kuma dhisna kanaa wadaniya kanaa daacada kanaa waxqabad badan iyo kanaa danteena wada.

Waxaan qormadayda ku soo afjarayaa in bulshada soomaaliyeed gacmaha is qabsadaan oo heeryada gumaysigan magacyada badan iska qaadaan, codkooda oo kaliya iyaga oo aan xabad ridin ayay ku baabi’in karaan dhamaantood, dagaal dooni mayno haday sadex maalmood oo keliya ku mudaaharaadaan meel kasta oo ay joogaan banaankana isugu soo baxaan ilaahayna ku waydiistaan danbidhaaf iyo nabad way helayaan, kuwo dagaalamayaana waxaa laga yaabaa inay badidoodu dareemaan dareenka bulshada kana waantoobaan, waxaan oran lahaa colka waraf halagu dayo, oo sidii roob doonta waa in umada Soomaaliyeed duco ay ugu magacdareen Nabad doon in ay sameeyaan ilaahayna inshalaah waa la garabgelayaa.

Dadweynow ma doonaa

isku duubni iyo guul

dedaal lama huraanoo

lagu damiyo dhiilada

dagaalada dhacaayiyo

duqaymaha onkadayiyo

dabka lagu dhamaadee

da,yarteenii madhiyee

duqaydiina ciribtiray

dawadeenu waa nabad

dadkeenoo heshiiyoo

ku ducaysta samahoo

danbi dhaaf ilaahay

waydiista daacada

dilka iyo dhaciyo boob

iska daaya dirirtoo

dulmigana ka dhiidhiya

dadkoo wada sinaadoo

nina aan la diidayn

dibna looga riixayn

la durayn walaalaha

wada dega dalkeenoo

darajana la dheerayn

ayuunbaan ku degaynaa

u degdega wanaagoo

iska diida xumahoo

isku duubni iyo guul

dareen mida la kaalaya

—————————————–

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: