Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in ay yimaadeen magaalada Muqdisho ciidamo ka socdo wadanka Burundi.

Halkaan ka akhri

Gaashaanle Bariijiya Bahuuku  oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gaaraan ciidamo ka socdo wadanka Burundi kuwaasi oo uu caddeeyey in durbadiiba ay degeen fariisimihii loogu talagalay.

Afhayeenka ciidamada AMSIOM oo waraysi siiyay Warbaahinta ka howl gesha magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay yimaadeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ciidamo cusub oo ka socda Wadanka Burundi oo tiradoodu ay gaarayso ilaa kun-Askari, kuwaas oo ka qayb galaya howlaha nabad ilaalinta iyo la dagaalanka kooxaha xag jirka ah ee nabadda diidan.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu tilmaamay in ay filayo waqti dhow ciidamo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho Ciidamo dheeri ah oo tiro badan, si ay qeyb ugu noqdaan Ciidanada AMISOM, wuxuuna sheegay in ciidamadan ay qeyb ka yihiin ciidamii dheeriga ee Ururka Midowga Afrika iyo IGAD shirkii ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda ay ku go’aamiyeen in loo soo diro wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale Bariijiya Buhuuku, wuxuu sheegay inay jiraan dhalinyaro ka yimid gobolada Jubooyinka oo askar ahaan u qoranayaan Xarakada Al Shabaab si ay ugu qeyb qaataan dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, wuxuuna  sheegay in dhalinyaradaasi haddii ay dagaalka soo gelaan ay mari doonaan wadadii ay horey u mareen dhalinyaradii horay looga keenay  gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo uu sheegay in ay ku baaba’een dagaaladii bishii Ramadaan ee Xarakada Al Shabaab ay ciwaan uga dhigeen dabar goynta shisheeyaha kusoo duulay wadanka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Ururka Midowga Afrika iyo IGAD ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho in tiradoodu gaarsiiyaan 20-kun oo Askari kuwaasi oo ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay oo laga sugayo in ay bixiyaan qarashaadkii ciidamadaasi lagu keeni lahaa wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: