Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada Buurhakaba.

Halkaan ka akhri

Dagaal fool ka fool ah oo dhimasha iyo dhaawac dhaliyey ayaa waxaa maanta degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ku dhex-maray Ciidamada Ururka Xisbul Islaam iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, halkaasi oo shalay ay dagaal kula wareegeen AL Shabaab.

Sida lagu soo warramay dagaalkan ayaa bilowday barqanimadii maanta, kadib markii ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku hubeysnaa in ka badan 5 gaari oo kuwa dagaalka ah ay weerar ku soo qaadeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay oo ay shalay ay dagaal kula wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada Xisbul Islaam ee weerarka ku qaaday degmada Buurhakaba ayaa la sheegay in qaarkood ay ka yimaadeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose, waxaana dagaalku uu ka qarxay labo jiho oo ka tirsan degmada Buurhakaba halkaasi oo ay ka soo galeen ciidamada Xisbul Islaam ee weerarka ku qaaday degmadaasi.

Dhanka kale dagaalkan ayaa  socday labo saacadood ayaa la isku adeegsaday hub kala duwan, oo ay ku jireen madaafiic labada dhinac ay is dhaafsanayeen, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhintay 6 qof oo ay ku jiraan saraakiil labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 10 kale oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalku uu qaboobay duhurnimadii maanta, waxaana  dib u gurasho sameeyey ciidamada Xisbul Islaam ee weerarka ku qaaday degmada Buurhakaba.

 

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegaya in maalintii labaad ay xanibanyihiin howlihii ganacsi iyo isu socodka dadka degmada buurhakaba, waxaana la sheegay in ciidamada Xisbul Islaam ay isku aruursadeen Tuulo qiyaas ahaan, 20 km oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Buurhakaba.

Hase yeeshee ilaa haatan Majiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xisbul Islaam iyo Shabaab oo ku aadan dagaalkaani maalintii labaad maanta degmada Buurhakaba ku dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Si kasta ha ahaatee Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ka talin jiray Ururka Xisbul Islaam waxaana shalay dagaal khasaare geystay kula wareegay ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo weeraray degmadaasi.

SomaliSwiss  Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: