Kooxo hubaysan oo Xalay magaalada Gaalkacyo ku toogtay Nin ay walaala yihiin Col. C/llaahi Yuusuf

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in koox hubaysan ay Xalay ku toogteen Col.Warsame Yuusuf Axmed oo la dhashay Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Col.Warsame Yuusuf Axmed dhaawac halis ah uu ka gaaray Madaxa iyo feeraha waxaana laga dayriyay xaaladiisa nololeed.

Goobta ay dablayda ku toogteen Col.Warsame ayaa waxa ay ahayd Masjid ku yaala xaafad ku taalada Woqooyiga Gaalkacyo waxaana Col.Warsame rasaasta ay ka haleeshay Madaxa iyo feeraha taasi oo noloshiisa shaki galinaysa amar Alle mooyee.

Hase yeeshee lama garanayo sababta dhabta ah ee loo beegsaday Col.Warsame Yuusuf, balse waxaan aan laga war qabin in xiligan uu siyaasad ku lug lahaa, sidaas dated lala rabay in la khaarjiyo, ha yeeshee dhaawaca halista ah la gaarsiiyay.

Sida lagu soo warramay Col.Warsame ayaa loola cararay isbitaal ku yaala Gaalkacyo, hase ahaatee waxaan la ogayn xaaladdiisa nololeed waxa uu haatan ku sugan yahay maadaama la xaqiijiyay in rasaasta ay xagga sare ee jirkiisa ay dhowr meel kaga dhacday.

SomaliSwiss     Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: