Advertisements

Dowladda dalka Kenya oo dib u celisay 8 kun qof oo qaxooti Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Dad tiradooda lagu qiyaasayn ilaa 8 kun qof  oo qaxooti  Soomaali ah ayaa waxa ay ciidamada ilaalada xuduuda Kenya ay dib ugu celiyeen gudaha Dalka Soomaaliya.

Dadkan ayaa la sheegay inay ahaayeen dadkii horay uga soo carareen dagaalladii ka dhacay degmada Beled-xaawo ee kaabiga u saaran xadka labada dal, halkaas oo ay ku dagaalameen Xarakada Al-Shabaab iyo  ciidanka dowladda oo garab ka helayey Ururka Ahlusunna.

Sida ay warbaahinta gudaha u sheegay qaar ka mid ah dhibanayaasha dib loo celiyay in ay tahay in wax laga qabto arrinkooda , waxayna baaq u direen hay’adda Q.Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR iyagoo ka codsanaya in dowladda Kenya ku cadaadiso sidii aay ugu ogalaan laheeyd dalkeeda Qaxootiga ku xayiran xuduuda.

Qaar mid ah Qaxootiga dib loo celiyey ayaa cabasho ka muujiyay sida ay ula dhaqmeen ciidanka xadka kenya, waxayna sharraxaad ka bixiyeen xaaladda ka taagan degmada Beled-xaawo, sidoo kale waxay sheegeen in guryihii ay ka soo barakaceen ay dhammaantoodo lagu garaacay  madaafiic ay isweydaarsanayeen Kooxahii ku dagaallamayey degmadaas.

Dhanka kale eedeynta loo soo jeediyey Ciidamada dowlada Kenya ayaa ilaa haatan ka hadlin mas’uuliyiinta Sare ee dowladda Kenya.

Balse waxaa jiray  Afhayeen u hadlay dowladda Kenya bishii Oktoobar ee la soo dhaafay oo  ka jawaabayay eedeymo ay Hay’adda Qaxootiga (UNHCR) u jeedisay dowladda Kenya, sheegayna in aysan jebinin qaanuunka caalamida ah.

Sida la wada ogsoon yahay dowladda Kenya ayaa waxay marti gelisay Qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaaya 500 kun qof oo ku kala jiro xeryaha Dhadhaab Kaakuma iyo kuwo kale oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya sida Nairobi iyo Mombasa, balse bilihii ugu dambeysay ayey dowladda Kenya bilowday dib u celinta Qaxootiga ka soo gudba xadka ee soo beegsanaya xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, taas oo si cad u khilaafsan xeerarka  Caalamiga ah  ee qaxootiga ee lagu magacaabo Axdiga Geneve, kaasoo Qeexaya in aan dib loo celin karin Qaxootiga dagaallada ka soo carara.

SomaliSwiss  Nairobi – Kenya

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: