Advertisements

Ciidanka dowlada oo soo bandhigay Hub la qabtay oo u socday dhanka Mucaaradka.

Halkaan ka akhri

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Isbaarada u taalo Ex-Control Axmed Yare ayaa saxaafada u sheegay in ay qabteen 2 qof  Hub culus u siday Xarakada AL-shabaab oo la marsiinayay Ex-Control.

Taliye Axmed Yare ayaa Saxaafadda u sheegay in Hub ay qabteen uu ahaa mid aad u badan loona waday dhanka Suuqa Bakaaraha, halkaas oo Xarakada Al-shabaabka ay ku leeyihiin xarumo ay ka soo abaabulaan dagaalada ay kaga soo herjeedaan dowladda iyo Ciidamada AMISOM.

Taliyaha ayaa cadeeyay in ciidanka ay arkeen gaari ay ka shakiyeen ka dibna ay baaritaan marsiiyeen taasi oo keentay in Hubka iyo rasaasta laga helo garaigaas, sidoo kale  hubka la qabtay ayaa wuxuu ka koobnaa qoryaha loo yaqaano AK oo tiradooda ay gaarayso 10-qori iyo rasaas aad u fara badan, waxay Ciidanka ay gacanta ku hayaan laba qof oo wadatay Hubkaasi.

Si kasta ha ahaatee qabashada raggan iyo hubka u socday islaamiyiinta ka soo horjeeda Dowladda ayaa ahaa midkii labaad oo ay qabatay Ciidamada Dowladda labadii todbaad ee la soo dhaafay.

SomaliSwiss  Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: