Xarakada Al-Shabaab oo magaalada Baladweyne looga dilay Ganacsade u hayay shaqo muhiim ah.

Halkaan ka akhri

Ninkii xarakada Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan soo iibinta hubka daran dooriga u dhaca ayaa lagu toogtay maanta deegaanka Kala Beyr ee gobolkaasi.

Ninkan oo ahaa ganacsade u shaqeyn jiray Al-Shabaab una qaabilsanaa inuu qoryahaa daba miinshaarka loo yaqaano iyo lidka diyaaradaha uga soo iibiyo ciidamada dowladda KMG ah ayay maanta toogteen ciidamo Ethiopian ahaa oo soo gaaray nawaaxiga Kalabayrka ee gobolka Hiiraan.

Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Muumin dheere ayay ciidamada Ethiopia dileen isagoo ku guda jiray iibinta laba Qori oo nooca Dabajeexa ah iyo rasaas farabadan, waxayna wararka dadka deegaanka laga helayo sheegayaan in dhowr mar oo hore loo jeediyay digniino iyo talooyin ku saabsan inuu faraha kala baxo howshaas, hase yeeshee uu Muumin dheere ka dhega adeygay.

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan deegaanka iyo dadweyne reer hiiraan ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen arrinta lagu dilay, iyadoo wararku sheegayaan in lagu daba jiray howlihiisa iyo shaqada uu wado maalmahaan oo dhan.

Somali Swiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: