Advertisements

Shirkadda Hormuud oo ka qaxday Xarunteedii Suuqa Bakaaraha. (Warbixin sababta keentay).

Halkaan ka akhri

Shirkadda weyn ee Isgaarsiinta Hormuud oo in muddo ah xarunteeda dhexe ay ku taallay Isgoyska Howlwadaag, gaarahaan afka hore ee Suuqa Bakaaraha ayaa gebi ahaanba qalabkii muhiimka ahaa ee yiilay halkaas ka raratay, waxaana howsha lagu daabulayo qalabka shirkadaasi intiisa ugu muhiim sanayd lasoo gabagabeeyay  maalinimadii shalay.

Xarunta cusub ee shirkadda oo noqon doonta goob cusub oo ay ka iibsaden deegaanka ceelasha biyaha ayay warar kala duwan ka soo baxayan sababta rasmiga ah ee keentay inay ka guuraan xaruntii hore oo istaraatiijiga u ahayd shirkadda oo ay weligood deganaayeen isla markaasna ku lahaayeen guri ka kooban lix dabaq.

Sarkaal ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo saxaafadda la hadlay, isla markaasna qariyay in magaciisa la xuso ayaa sheegay in sababta ay uga guureen xaruntoodii ay ugu wayn tahay 3 arrimood oo uu sheegay in midda ugu weyn ay tahay madaafiicda iyo duqeymaha kala duwan ay maalin kasta is waydaarsanayaan kooxaha mucaaradka iyo dowaladda KMG ah.

Sarkaalka ayaa sababta labaad ku sheegay inay u adkeysan waayeen isla markaasina uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u lahaayeen awaamiir joogta ah, hanjabado, iyo cabsi gelin uga imaaneysa maleeshiyada iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay kalliftay in shirkaddu ka rarato 90 %  qalabkii u yiillay xarauntaas.

Wuxuu xusay inay jiraan arrimo kale oo fara badan oo uusan doonayn inuu carabaabo, isagoo hadalkiisa kusoo koobay inay jiraan dhibaatooyin wax u gaysanaya hab sami usocodka howsha shirkadda.

Inkastoo masuulkaasi ka gaabsaday waxyaabo badan ayay hadana muuqataa in hore Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud looga mamnuucay isticmaalka adeegga ZAAD service, gaarahaan meelaha ay ka taliyaan Xarakada Al-shabaab oo horay u soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso isticmaalka adeegaas oo ay dhamaad joogto mudadii loo qabtay inay joojiyaan.

Inkastoo deegaanka cusub ee ay shirkaddu u guurtay aysan ka talin Al-Shabaab hadana ma muuqato, awood gaar ah oo ka difaacaysa deegaanka ceelasha biyaha oo ay haystaan Xisbul Islaam oo maalin kasta laga qabsado deeganadooda, taas oo ay dhici karto in markii ay u baahdaan Al-Shabaab in ay qabsadaan Ceelasha biyaha ay samayn karaan, waxaase maladu tahay inay ka horeyso deegaanka Afgooye oo laysku fara saaro iyo dhiig badan oo ku daata Celasha Biyaha oo ah labada meel oo kaliya ee u hartay Xisbiga sheekh Awees oo u muuqda inuu ku dhimanayo difaacidda labadaas goobood.

Somali Swiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: