Sheikh Cali Dheere iyo Abuu Mansoor oo isu sheegay in Muqdisho ay gacantooda ka baxayso haddii aan deg deg loo helin ciidan difaaca.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa u sheegay Afhayeenkii hore ee Xarakada Muqtaar Rooboow, Abuu Mansoor in magaalda Muqdisho ay ka baxayso gacantooda haddii aan deg deg loo helin ciidan ka dagaallama halkaas.

Abuu Mansoor ayaa hore ugala baxay ciidankiisa, magaalada Muqdisho markii ay dagaalladii Ramadaanka ka dib is qabteen, hogaamiyaha Xarakada Axmad Godane, khilaafkaas oo sababay inay xarakadu u kala jabto siyaasad ahaan laba garab, wuxuuna Cali Dheere u janjeeraa dhinaca Axmad Godane.

Cali Dheere oo shalay Abuu Mansoor ugu tegay magaalada Baardheere ayaa u jeediyay codsigaas, sida ay Soomaali Swiss u sheegeen, dad ku dhow dhow shirkii labadooda dhex maray shalay gelinkii dambe.

Cali Dheere ayaa sheegay in Muqdisho aysan gacantiisa kusoii jiri karin haddii uusan helin gacan meleteri oo ka tomaada dhinaca Rooboow, hase yeeshee lama oga, waxa ay isku af garteen ugu dambaystii.

Muqtaar Rooboow ayaa siyaasad ahaan hagaamiya garab ka mid ah Al-Shabaab, halkagarabka kale uu hogaamiyo Axmad Godane, wuxuuna hore u sheegay Rooboow inuusan jeclayn inuu kala bur buro ciidanka Xarakada Hayeeshee uusan wax taageero ah siinayn inta uu hogaaminayo Abuu zubeyr.

Cali Dheere, wuxuu labada garab isaga dhigaa, oday dhex dhexaad ah, hase yeeshee Xanta Labada garab ee Al-Shabaab ayaa sheegaysa inuu u jan jeero dhanka Axmad Godane, Sidaas darteed macadda inuu Abuu Mansoor ka aqbali doono ciidan ka bar bar dagaallama kuwa Muqdisho oo uu hore uga carooday.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: