Halkaan ka akhri
Xog ururin ay samaysay idaacadda BBC-da oo kaashanaysa Hay’adda ORB oo iyadu samaysay xog uruurintan ayaa lagu ogaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho aysan doonayn in Ururka Al-Shabaab uu talada dalka la wareego, iyadoo dadku ay u arkaan Xarakada Al-Shabaab in ay yihiin quwad aad u xun oo dalka ku soo biirtay sidaasna waxaa lagu sheegay xog ururinta.
Xogtan oo laga uruuriyay meelaha ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab, ayay labada Hay’adood sheegeen in markii dadka la waydiinayay fikirkooda ay aad u baqayeen in ay soo hadal qaadaan magaca ururka Al-Shabaab iyagoo ka doorbidayey in ay u adeegsadaan “Kooxaha Mucaaradka ah”.
Afti qaadista Xogtaan oo Hay’adda ORB ka uruurisay dad tiradoodu ay ahayd 855 ruux oo ku nool 14 Degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir intii u dhexeysay 29kii October – 12kii November 2010 ayay dadku sidoo kjale sheegeen in Adduunku halmaansan yahay Soomaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafay, isla markaasna aysan si wanaagsan ula socon sida wax u dhacayaan, iyagoo xusay in ay dadka aad ugu adagtahay nolosha caadiga ah inay noolaadaan, waxayna tusaale usoo qaadatay Hay’addu in 92% (Sagaashan iyo laba boqolkiiba) qoysasku sheegeen in aysan awoodin in ay nolol maalmeedkooda kaafiyaan.
Xog uruurintaan waxaa qaaday Hay’adda ORB oo BBC-du waydiisatay inay shacabka ka uruuriso afti lagu waydiinayay waxyaabo abdan oo uu ka mid ahaa qodobkaasi, waxaana dadka lala kulmay la waydiinayay su’aalo badan oo quseeyay waxyaabo kale.
SomaliSwiss News Monitoring Desk
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Monitoring Desk |
You must be logged in to post a comment.