Seminaar loogu hadlayey xoojinta doorka Haweenka Soomaaliyeed ee nabadaynta oo ka furmay Hotel Saxafi ee magaalda Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Seminaar iyo Aqoon isweydaarsi oo lagu xoojinayo doorka Haweenka Soomaaliyeed ee nabadda ayaa maanta uga furmay ee magaalada Muqdisho 150-haween ah oo ka socda qeybaha haweenka waxaana Seminaarkan  ka  soo qayb-galay xildhibaano, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa ku howlan Samafalka.

Sodoo kale Seminaarkan ayaa waxaa intiisa badan looga hadli doonaa intuu socdo mideynta ahaweenka Soomaaliyeed, iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda.

Ugu horeyntii waxaa furitaanka tababarka Seminaarka khudbad ka jeediyay guddoomiyaha UYS Ciise Xasan Diinax,wuxuuna ka hadlay ahmiyadda uu tababarku u leeyahay haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in haweenku ay yihiin asaaska qoyska, sidaa darteedna loo baahan yahay in nabadeynta dalka laga soo bilaabo guriga si carruurta aan loogu adeegsan dagaallada.

Mudne Ciise Diinax, wuxuu xusay in hay’addiisa ay diyaar u tahay sidii ay gacan uga siin lahayd qeybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed ka qaybgalka nabadeynta iyo mideynta ururrada haweenka, taasi oo ujeeddadu tahay in si wadajir ah looga qeyb-qaato ka-hortagga colaadaha ka taagan Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii  halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa: Xaawo Maxamuud Cali, Raxmo Daahir Max’ed, Maryan Jaamac Cali (Cod-weyn), Maryan Macallim Abtidoon, Nadiifo Cabdi Diirshe iyo haween kale, kuwaasi oo dhammaantood tilmaamay doorka ay haweenku ka qaadan karaan nabad kusoo dabaalidda dalka iyo sidii caruurta ka hortagga dagaallada.

Sidoo kale, waxaa furitaanka seminaarkaas khudbad kooban ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgelyada iyo ammaanka Warsame Xasan (Joodax), wuxuuna  u mahad-celiyay madaxda iyo hay’adda UYS oo soo qabanqaabisay tababarka Seminaarkan, sidoo kale wuxuu  xusay inay haweenku yihiin awoodda bulshada ugu muhimsan, isagoo ku booriyay hay’adaha inay  kordhiyo Seminaarada la xiriira nabadeynta bulshada Soomaaliyeed.

Sida la sheegay Casharadii tababarka  ayaa waxaa lagu soo bandhigay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan doorka haweenka, iyadoo inta badan haweenkii ka qayb-galay ay jawaabo kala duwan ka bixiyeen su’aalihii loo soo bandhigay, waxaana su’aalahaasi ka mid ahaa:

–   Kaalintee, ayay haweenku ka qaadan karaan joojinta dagaalada iyo xasilooni-darrada dalka ka jirta?

–   Habkee, ugu wanaagsan ee loo xoojin karaa wada-shaqeynta haweenka Soomaaliyeed, mase la gaaray xilligii talada dalka ay haweenku qaban lahaayeen, bacdamaa ay raggii ku fashilmeen inay dalka xasiliyaan?

–   Maxay Haweenku ka qabaan dagaalo diimeedka xarakooyinka ku dhisan, sideese caruurta looga badbaadin karaa dagaallada?

Si kasta Su’aalaha ha ahaadaanee waxaa Jawaabaha ay noqon doonaan kuwii xal loogu heli lahaa arrimaha cakiran ee muddada 20ka sano ah soo noqnoqonaayey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: