Advertisements

Qaar kamid ah dadkii lagu eedeyey Qaraxyadii Kampala oo ay Maxkamada dalka Uganda sii deysay.

Somali & English

Halkaan ka akhri

Maxkamada Sare ee dalka Uganda ayaa xabsiga ka sii daaysay in kabadan 18qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dadkii weerarkii qaraxyada ka fuliyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda ayaa la  sheegayaa in Maxkamad ku taala wadankaasi ay xabsiga ka sii daaysay gabi ahaamba 18-ruux oo loo haystay dambiyo ku aadan in ay ku lug lahaayeen weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay magaaladaasi bishii July islamarkaana ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 70-ruux xili ay daawanayeen ciyaartii faynalka koobka aduunka.

Sidoo kale Maxkamadda waxay sheegtay in dadkan lagu wayay wax cadaymo ah islamarkaana ay fasaxday, hase ahaatee Maxkamadu waxay sheegtay inay jiraan dad kale oo ku xir xiran Xabsiyada wadanka Uganada kuwaas oo la soo taagi doono Maxkamad.

Qareen ka mid ahaa qareenadii Maxkamadaas oo dadkani siidaysay oo saxaafadda la hadlayey wuxuu yiri: “18-kan qof waa intii ugu dambeysay ee aan ku qabanay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu baaba’ay ee magaalada Kampala xili dad shacab ah ay daawanayeen Ciyaarta koobka aduunka, waan la soconaa weerarkaasi waxaaa sheegtay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya hase ahaatee markii aan ku waaynay wax dambi ah waan fasaxnay”.

Si kasta arrintu ha u dhacdee Saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka wadanka Uganda ayaa sheegay in dadkan ay isugu jireen dad u dhashay wadankooda, kuwa Kenyaan ah iyo Soomaalia, waxaana la sheegay in xoryadooda ay dib u heleen kadib marki Maxkamada ay ku adkaysatay in dadkaani lagu waayay wax dambi ah.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Uganda to try 18 over World Cup bombings

KAMPALA, Uganda – A court in Uganda has released 18 of 36 suspects charged over July bomb blasts that killed 76 people.

Prosecutor Anguzu Lino says there is insufficient evidence to connect the 18 suspects to the attack, which interrupted public gatherings to watch the World Cup final.

He says the other 18 suspects will be tried by the high court. Suspects include Al-Amin Kimathi, an activist with the Muslim HumanRights Forum in Nairobi, Kenya. The suspects face charges of terrorism, murder and attempted murder.

Al-Qaida-linked Somali militant group al-Shabab claimed responsibility for the July 11 bombings in Uganda’s capital. Al-Shabab, Somalia’s most powerful militant group, said the bombings were retaliation for Uganda’s participation in the African Union’s peacekeeping mission in Mogadishu.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: