Advertisements

Golaha amaanka ee QM oo taageeray kordhinta Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Muqdisho.

Halkaan ka akhri

War laga soo saaray xarunta Qaramada Midoobay ee caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Golaha amaanka QM ay si aad ah u taageeray aragtida lagu kordhinayo ciidamada Nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ergayga gaarka ah ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo saxaafadda la hadlayay wuxuu sheegay in ay ka go’antahay taageeridda ciidamada dheeriga ah oo ka socda Midowga Afrika sidii ay u gaari lahaayeen gudaha wadanka Soomaaliya, si ay ugu biiraan ciidamada ka kala socda wadama Burundi iyo Uganda oo haatan caawinaya dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee hadalka ayaa ku soo beegmaya xili Mudooyinkii la soo dhaafay Ururka Midowga Afrika uu dalbanayay in ciidamo dheeri ah oo ka socda Ururka Midowga Afrika la gaarsiiyo gudaha dalka Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan ciidamada howlgalada u jooga Magaalada Muqdisho ee AMISOM.

Sidoo kale Ergeyga dowladda Britain u qaabilsan golaha amaankaee QM oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Ciidamo aad u farabada ayaa loo baahan yahay, si ay ugu guulaystaan soo celinta amniga iyo xasiloonada gudaha wadanka Soomaaliya, haatan waxaa ka howlgala 7-kun oo askari, waxaana la balan qaaday 8-kun, waxaana doonaynaa in ilaa 12-kun aan garsiino”.

Dhanka kale Ergayga ayaa saxaafadda u caddeeyey in Ururka Midowga Afrika la siin doono taageero dhinac dhaqaale iyo mid Milatari taasi oo wax wayn ka tari doonto howlaha dib loogu soo celinaya nabadda dalka soomaaliya ee Ciidamada Ururka Midowga Afrika AMISOM ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Casimadda ah ee Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: