Shacabka degmada Bardheere ee gobolka Gedo oo saakay ku waabariistay Bandow lagu soo rogay shalay galab.

Halkaan ka akhri

Maamulka Islaamiga ah ee degmada  Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay  xalay si lama fillaan ah ugu soo rogay Bandow, waxaana fiidnimada xalay lagu soo daadiyey ciidamo, waxaana dadka  loo sheegay inay galaan guryahooda.

xiligaasi oo shabaabka ay mar qura ciidan ku soo daadiyeen gudaha Baradheere iyadoo dadka lagu amray in ay ka xaroodaan magaalada.

Bandowga oo bilaabmay fiidnimadii hore ee xalay ayaa Ciidanka ammaanka Maamulka Al-Shabaab ee degmada Baardheere ay aad u adkeeyay degmada ammaankeeda, waxaana la waayay guud ahaan dhaqdhaqaqa dadka fiidnimadii hore.

Sida lagu soo warramay Amarkan bandowga ah ayaa yimid xilli magaalada Baardheere ay shalay soo gaareen saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab ee ka yimid ah dhanka Kismaayo, kuwaasi oo kulamo xalay la lahaa madaxda Gobolka Gedo.

Hase yeeshee Bandowga ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu adkeynayo ammaanka degmada maadaam ay magaalada ay ku sugan yihiin saraakiil aad u saraysa oo oo xarakada Al-shabaab xalay ay seexanayeen gudaha Baardheere.

SomaliSwiss  Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: