Advertisements

Wiil Soomaali ah oo Maxkamad ku taala Wadanka Mareykanka ay ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah.

Halkaan ka akhri

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa  waxay Saakay ay shaaciyeen in Maxkamad ku taala Wadanka Mareykanka ay 30 sano oo xabsi ah ku xukuntay wiil soomaali ah, kaasi oo lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa kooxo burcad badeed oo weeraray markab dalka Mareykanka laga leeyahay.

Wiilkan soomaaliga ah ayaa lagu magacaabaa Jaamac Iidle Ibraahim, waxaana la sheegay in uu fal dambiyeedkaasi lagu soo eedeeyay uu qirtay.

Kooxaha Burcad badeeda uu la socday Jaamac ayaa la sheegay in ay ku qaldameen markab dagaal oo dalka Mareykanka laga lahaa, kuwaasi oo doonayay in ay afduubtaan markbastaasi wallow markab nooca dagaalka dalka mareykanka laga lahaa uu ku noqday markiibkii ay moodayeen markab ganacsi ah.

Jaamaca iyo saaxiibadii la socday ayaa gacanta u galay markab dagaal oo laga lahaa dalka Mareykanka, waxaana loo soo gudbiyay dalka Mareykanka halkaasi oo dacwadooda lagu soo bandhigay.

Si kasta ha ahaatee, Maxkamadda la soo istaajiyay Jaamac ayaa la sheegay inay fartay in Jaamac uu  dambigiisa uu qirto, si asxaabtiisa kale marqaati ugu furo oo burcad badeednimada lagu soo eedeeyay.

Mid ka mid ah Xeer ilaaliyaasha Maxkamadda Dalka Mareykanka ayaa waxa uu cadeeyay in Maxkamadeynta kooxaha burcad badeeda ay tahay mid fariin cad ah oo loo dirayo kooxaha burcad beeda in qatarka ka imaan karta dhibkooda aan loo adkaysan Karin.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: