Advertisements

Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa habeen iyo maalin kasta muddo 20tan Sano ay socdaan, balse dagaaladu waxaa u sii dheer duqeymo xoogan, dagaaladaas oo u dhaxeey kooxo isaga horjeeda siyaasadda Soomaaliya, inkastoo haatan ay isku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinata Al Shabaab ayaa saakay ilaa xalay waxaa uu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sida ladu soo warramay Dagaalada iyo duqeymaha ayaa bilaawday habeen kasta waqtiga fiidkii kadib markii labada ciidamdan oo isaga soo horjeedo ay kolba koox weerar ku soo qaado kooxda kale, sidaa awgeed waxaa xalay weerar soo qaaday Ciidan ka tirsan kuwa Xarakada Al Shabaab, kuwaas oo ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM ay ku leeyihiin degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hub cul culus, waxaana dagaalkaasi ciidamada dowladda KMG kala qayb qaadanayay kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo madaafiic farabadan ay ku dhacaysay deegaano ka baxsan degmada Boondheere uu dagaalku ka socday, iyadoo duqeymahaasi ay saameyn xoogan ku yeesheen deegaano ay ku sugan dad faro ku tiris ah oo horey ugu haray dadkii ka barakacay deegaanadoodda.

Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa saakay waxaa ay Idacadda Shabelle u sheegtay in duqeymaha ay bilaawdeen xalay ilaa saakayna ay ka dhacayeen degmooyinka dhaca Woqooyi ee magaalada Muqdisho.

Hase yeeshe duqeymihii  xalay ka dhacayeen qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa hadana saakay waxaa jira duqeymo kale oo iyana ku dhacayay degmada Hodan ee gobolka Banaadir taasi oo ilaa iminka aan la’ogayn qasaaraha dhabta ah oo ay gaysteen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalada iyo duqeymaha ku dhexmaray gobolka Banaadir.

Dagaalada iyo duqeymaha inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu badan waxaa ay kasoo gaartaa dadka maatida ah, kuwaasi oo aanay jirin cid dhag jalaq u siisa dhibaatooyinkooda, iyadoo dhinackasto uu sheegto in uu guulo ka gaaray dagaaladaasi, hase ahaatee aan u muuqan dhimashada, dhaawaca iyo barakaca ay samaynayaan dadka rayidka ee lagu dul dagaalamayo deegaanadooda.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: